“HARGEYSA Waynu Dhisaynaa,Iyada Oo Aan Saqaf Lahayn Oo Dhulka La la Simay Ayeynu Dhisnay, Ka War Wari-maayo…” Madaxweyne Biixi

Hargeysa (Hayaannews): – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka warbixiyay dabka galaaftay suuqii Somaliland ugu waynaa ee Waaheen, ayaa sheegay in marka laga yimaado burburka hantiyeed aanay jirin cid dabka ku dhimatay, isla markaana dad ka dhaawacmay ay yihiin 28 qof.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka dhaawacmay ay u badan yihiin dadkii suuqa hantida kulahaa, oo dabku soo gaadhay, qaarkoodna dabku neef qabateeyay xili ay isku dayayeen in ay bad baadiyaan wixii ay ka gaadhaan hantidooda.

Waxaanu yidhi.”28 qof ayaa ku dhaawacmay 9 ayaa dumar ah, waa dadkii gurmadka ahaa ee hantidoodu ku jirtay, ee ama finiinka dabku soo gaadhay ama neef qabatoobay, iyo hal qof oo bahal hoose qaniinay, oo dooxa soo marayay” ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu magacaabay guddi ka shaqayn doonta kasoo kabashada masiibada “Guddida la magacaabay ee sheekhu hogaaminayo, iyo cidii kale ee lagu soo dari doono waxay galaysa gurmad aad ah, xukuumaduna waxay usoo daynaysa hal-milyan oo dollar”.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Hargaysa dib loo dhisi doono, sidii dagaalkii kadiba loo dhisay “Hargaysa waynu dhisaynaa, waynu dhisanaynaa, iyada oo aan saqaf lahayn oo dhulka lala simay ayaynu dhisnay, ka war wari maayo in aynu dhisayno”.

Dhinaca kale, Ugu yaraan 28 qof ayaa dhaawacyo kala duwani ka soo gaadheen, Boqolaal ganacsi iyo dhismayaal ayaa ku bas beelay, kadib markii uu xalay dab ka kacay suuqa WAAHEEN ee badhtamaha Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Dabka oo noqonaya kii ugu weynaa ee ka kaca suuqa Hargeysa, ayaa la sheegay inuu ka bilaabmay meherad Bakhaar ah oo ku taalla dhinaca koonfureed ee Suuqa Waaheen, gaar ahaan dhinaca Dooxa Xigta, waxaana jira dedaallo ay isku dayayaan ciidanka dab-demiska oo baaxadda dabku ka xoog weynaatay.

Tan ayaa sababtay inuu dabku si xooggan ugu faafo qaybaha kale ee Suuqa, waxaanu xilligan dabku soo gaadhay faras-magaalaha Caasimadda oo ay ku yaallaan xarumaha shirkadaha isgaadhsiinta iyo kuwa bixiya adeegyada Zaadka.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeisa, Somaliland

Mustafe-Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com