Burco(Hayaannews):- Qaar ka mid ah Dadka Hilibka ka
ganacsatada ee magaalada Burco, ayaa isu soo bax cabasho ah sameeyey gelinkii
dambe ee Sabtidii maanta, kuwaas oo ka cabanayey Shirkadda Gawraca ee Dayib,
Maayerka iyo Maamulka Dowladda hoose.
Ciidammada Ammaanka, ayaa kala kaxeeyey Dadkaas oo Taayirro
ku gubayey qaar ka mid ah suuqyada magaalada Burco, waxaanay ku doodeen in lagu
kordhiyey Lacagta Gawraca ee ay ka qaadaan Shirkadda Dayib iyo dowladda hoose
ee Burco.
Ganacasatada Hilibka ee Burco, ayaa gelinkii hore ee isla Sabtida maanta, cabasho la hortegay Xafiiska Badhasaabka gobolka Togdheer ee magaaladaas, hase-yeeshee, waxay xuseen inaan waxba looga qaban cabashadooda, cidina qancin. Sidaas awgeedna, waxay gelinkii dambe ee maanta sameeyeen muddaharaad, iyaga oo gubay taayirro, isla markaana waddooyinka Burco qaarkood isu socodkoodu istaagay, markii ay isugu soo baxeen ee ay dabka ku shideen taayirrada baabuurta.
Haddaba, Cabashada Dadkan iyo sida Bannaan-baxoodu u dhacay-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-