“Ilaa Hadda Ururadina Waa Ururo, Xisbiyadina Waa Xisbiyo ,Balse Labadu-ba Waa Muddo Dhaaf” Mujaahid #Cali_GUREY 

Hargeysa(Hayaannews): Mujaahid Cali Mohamed Yuusuf (Cali-GUREY), ayaa ku tilmaamay Saddexda Xisbi qaran iyo Ururada-Siyaasadda inay labaduba yihiin muddo dhaaf.
Cali-GUREY waxa uu sidaa ku sheegay qoraal uu ku saxeexan-yahay oo ay caawa heshay Shabakada Wararka ee Hayannews, waxaanu u dhignaa sidan:
“Horta shalay oo bishu ay ahayd 25/12/2022 waxay ahayd maalintii ugu dambaysay 10kii sanadood ee shahaadadaha xisbiyada. Maanta oo ay tahay 26 waxay ahayd sadexda ku soo baxay doorashada ururada/xisbiyada la gudoonsiiyo shahaadadaha. Doorasho qabsoontayna ma jirto. Ilaa hadda ururadina waa ururo xisbiyadina waa xisbiyo balse labaduba waa muddo dhaaf.
Madaxtooyaduna waa muddo dhaaf iyo guurtiduba. Wuxuba way isku dul dhinteen. Xisbiyadu hadii ay ku-meel-gaadh yihiin madaxwaynaha laftiisa ayaa la mid oo muddo xileedkiisii sharciga ahaa uu dhamaaday, guurtina hadalkeedaba daa. Wuxuba waa dambaska. Xalku waa in la helo Madaxwayne mudo xileedkiisii sharciga ahaa ku fadhiya. Guurti mudo xileedkii sharciga ahaa ku fadhiya, sadex xisbi oo shahadadahoodu dhaqangal ay yihiin. Taasina waxay ku xidhan tahay waa doorashooyin eh waa ayo doorasho-diidka Somaliland halkaa dhigay ee qayrkeed iyo qayr-ku-xigeenkeedba ka reebay? Waa laguu yaqaan Gudidan shaqadeeda Qaybtii hore way dhamaatay. Waxay dhamaatay markii ay liiska ururada u gudbiyeen Komishanka. Marka doorasho qabsoonto ayay mar kale komishanku natiijada dib ugu soo gudbinayaan guddida intan yar ee aan wax micno ah samaynayn qora la yidhi. Markaas ayay kala saarayaan xisbiyada iyo ururada oo sadexda ugu sareeya ay gudoonsiinayaan shahaadadaha.”

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

Mustafe_Janaale

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com