“Inta Qashinku Ku Jiro Ayaa Cudurkuna Uu Ku jiraa….” Shaqaalaha Baanka Dhexe Laantiisa Madaarka Hargeysa Oo Kaalin-weyn Ka Qaatay Olole Nadaafadeed.

Ololahan Nadaafadeed oo u-jeedadiisu ahayd sii kor loogu qaadi lahaa bilicda Madaarka Hargeysa

Hargeysa(Hayaannews); Shaqaalaha Baanka dhexe laantiisa Madaarka Hargeysa, ayaa kaalin-weyn oo mug leh ka qaatay ololaha Nadaafadeed oo maanta laga fuliyay Gegeda Diyaaradaha ee Egal International ee Magaalada Hargeysa.

Ololahan Nadaafadeed oo bishii-ba hal mar laga fulin-doono Madaarka Magaalada Hargeysa, kadib markii uu Asteeyey  Maareeyaha hay’ada duulista Somaliland Cumar Zayid Cabdilaahi. Ololahan Nadaafadeed oo u-jeedadiisu ahayd sii kor loogu qaadi lahaa bilicda Madaarka Hargeysa

Maamulaha Baanka dhexe ee laantiisa Madaarka Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Ismaaciil Cilmi oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi“Saaka oo Salaasa taariikhduna tahay 30.8.2021 ayaa waxaanu a qeybgalnay ololaha nadaafadeed oo lagu nadiifinayo Madaarka Caalamiga ah Egal International  ee Magaalada Hargeysa,kaas oo lagaga jawaabayo baaqii Maayirka Caasimadda Hargeysa Cabdikariin Ahmed Mooge uu hore ugu dhawaaqay ee ahaa in la ilaaliyo bilicda Magaalada. Annaga oo fulinayna amarka Guddoomiyaha Baanka  Dhexe Baqdaadi, ayaa waxaanu hay’ada Duulista Hawada Somaliland kala qeybgalnay ololaha nadaafadeed”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Aad iyo aad ayaan ugu mahad-celinayaa shaqaalaha Baanku sida wanaagsan ee ay uga qeyb-qaateen ololahaa Nadaafadeed,….”

Maamule kuxigeenka laanta Madaarka ee Bangiga dhexe ee Magaalada Hargeysa, Cabdimajiid Yuusuf Jaamac ayaa “Inta qashinku ku jiro ayaa cudurkuna uu ku jiraa, nadaafadu waa qeyb ka mida iimaanka, qofka muwaadinka ayay waajib ku tahay inuu ilaaliyo nadaafada dalkiisa, markaa annaga oo ah Laanta Baanka dhexe ee Madaarka Hargeysa dhammaan shaqaalihii way ka soo wada qeyb-qaateen oo ciddina may maqnaan, Madaarku waa meesha adduunku inaga arkayo, dalkana laga qiimeeyo. Markaa taas ayaynu ku horumaraynaa oo bilicda dalkeenuna uu ku sii qurux badnaan karaa.

“Isaga oo Madaarkeenu markii hore-ba ahaa Nadiif, haddana waxaynu si Afar jibaaraynaa Nadaafada iyo bilicda Madaarka Magaalada Hargeysa”. Ayuu yidhi Cabdimajiid Yuusuf Jaamac

Ololahan Nadaafadeed ayaa waxa uu daba socda, ololihii Nadaafadeed ee uu hore ugu baaqay Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdikariin Maxamed Mooge, kaas oo si weyn ugu baahay guud ahaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com