JABUUTI: Madaxweyne Geelle Oo Qaabilay Xildhibaan Barkhad BATUUN Iyo Qoddobada Ay Ka Wada Hadleen.

Jabuuti(Hayaannews): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa Md. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxa uu maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Xildhibaan Barkhad Batuun oo ka mida mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland,kadib markii uu mart-qaad ka helay.

Lama garanayo U-jeedadda safarka qarsoodi-ga ah ee uu Xildhibaan Barkhad Bartuun ku tagay Jamhuuriyadda Jabuuti, iyo waxa uu la xidhiidho.

Xildhibaan Barkhad Batuun ayaa waxa uu ka hadlay kulanka foolka foola ee uu la yeeshay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, waxaanu yidhi

“Madaxweynaha Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismail Omer Gelle waxa aan uga mahadcelinayaa in uu igu qaabilay Qasriga Madaxtooyadda Jabuuti isaga oo Aqlabiyaddii shacabka sharafta leh ee Reer Somailand uga mahad-celiyey codkii faraha badnaa ee ay igu doorteen.

Salaan milgo iyo maamus huwan ayaan Madaxweynaha idinka gaadhsiiyey shacabkaygii xariirta ahaayow.”

Xildhibaan Barkhad Batuun oo ka mida 82 -Xildhibaan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa waxa uu noqday Xildhibaankii ugu codka badnaa Golaha Wakiillada Somaliland, isaga oo helay in ka baddan Labaatan kun oo cod, sidaasna uu taariikhda ku galay.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com