JIGJIGA: Nuxurka U-jeeddada Wefti Ka Socda Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia Oo Socdaalka Ku Yimi Somaliland
September 28, 2020 - Written by admin
Jigjiga(Hayaannews*
Wefti uu hogaaminayo hogaanka nabadgelyada dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia
DDS ayaa soo gaadhay Caasimada Somaliland ee Hargeysa, kadib markii ay galabka
ka soo kicitimeen Magaalada Jigjiga.
Sida waxa Shabakada
Wararka ee Hayaannews u xaqiijiyey Madaxweynaha Dawlada deegaanka Soomaalida
Ethiopia Mustafe Maxamuud Cumar.
Waxaa
galabta ka ambabaxay Caasimada DDS ee jigjiga wefti uu hogaaminayo hogaanka
nabadgeliyada DDS Dr. Hussein Hashi isla markaana ay wehelinaya taliyaha guud
ee Ciidanka xooga gaarka ah ee DDS General Haji, la-taliyihiisa mudane Haji
Mataan iyo saraakiisha ciidanka milatariga qaranka ee fadhigoodu yahay DDS.
U-jeedada
Safarka Weftigan ayaa daaran kulan dhanka amaanka ah oo ka dhacaya Caasimada
Somaliland ee Hargeysa.
Waxaa
xusid mudan in Somaliland iyo DDS ay leeyihiin soohdin dheer isla markaana ay
labada shacab ee Soomaaliyeed ay yihiin kuwo dhiig iyo dhaqanba wadaaga, taasoo
amaanka labadda dhinac ka dhigaysa mid marwalba isku tiirsan.