Khadiija Axmed: Gabadhii Ugu Horeysay Ee Maayor Loo Doorto SOMALILAND  

Buuhoodle(Hayaannews): Golaha Deegaanka Degmada Buuhoodle, ayaa maanta Xildhibaan Khadiija Axmednuur Aadan u doortay inay noqoto Duqa Degmadaasi.

Khadiija ayaa ka mida saddex gabdhood oo ku soo baxay Goleyaasha Deegaanka ee Degmooyinka dalka guud ahaan. labada Gabdhood ee kale,ayaa ka soo baxay Degmooyinka Xudun iyo Taleex, Iyadoo dhinaca kale ah Gabadha qudha ee ku jirta Golaha Deegaanka Degmadaasi oo ka kooban sagaal xubnood.

Khadiija ayaa kamida xubnaha Xisbiga Kulmiye uga soo baxay Golaha Deegaanka ee Degmadaasi.

Golaheeda oo maanta kalfadhigii uga furmay Magaalada Widh-widh, ayaa cod aqlabiyad ah ugu doortay xilka, waxaanay sheegtay in aan lagula tartamin xilkaasi.

Khadiija Axmed oo waraysi siisay Telefishan, ayaa sheegtay inay dedaal badan gelisay Olollaha Doorashada sidii ay ugu soo bixi lahayd.

HALKAN HOOSE KA BOGO:

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com