Liiska Magacyada Hoggaanka Cusub Ee Lagu Ansixiyey Shirweynaha Xisbiga KULMIYE
October 5, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Hayaannews); Ergada
Shirweynaha 4aad ee Xisbiga Kulmiye waxa ay Cod Aqlabiyad ah oo loo dhanyahay
(Unanimous) ku ansixiyeen Hoggaanka Xisbiga ee 5ta sannadood ee soo socda.
Hoggaankan cusub ee lagu cumaamaday
shirweynaha 4aad ee Xisbiga KULMIYE oo galay maalintiisi 2aad ayaa waxay
magacyadoodu kala yihiin
Hoggaankan cusub ee lagu doortay
shirweynaha 4aad ayaa magacyadoodu kala ahaayeen:
Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi
Gudoomiye ku xigeenka Koowaad Maxamed
kaahin Axmed
Gudoomiye ku xigeenka Labaad Ahmed
Cabdi Dheere
Gudoomiye ku xigeenka Saddexaad Xuseen
Aadan Cadde
Gudoomiye ku xigeenka Afraad Maxamuud
Sacad Saajin .
Ergada shirweynaha 4aad ee xisbiga
KULMIYE ayaa cod ku go’aamiyey in tirada Golaha Dhexe ee xisbigu ay ahaato
sideedii, iyada oo 241 xubnood ay ka imanayaan Gobolada Jamhuuriyadda
Somaliland, taas oo Haweenku gobol kasta ku yeelan doonaan qoondo 20% ah. Waxa
shirweynuhu diiday soo jeedin hoggaanka xisbigu kaga codsaday in la yareeyo
tirada golaha dhexe ee xisbiga oo tirada ka imanaysa gollada laga dhigo 153
xunood.
“Waxaan doonayaa in aan caddeeyo sida ay dhigayaan Xeer14 iyo xeerka Xisbigu labadii goor ee la ii dooran lahaa Guddoomiyenimada KULMIYE labadiiba waan isu taagay, waana la ii doortay, waxa hubaal ah doorashada dambe haddii Alle caafimaad innagu gaadhsiiyo anigoo oday ka ah oo aan tartan ku jirim in aan xisbiga ka mid noqon doono.” Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, ahna Masaxweynaha Qaranka Md. Muuse Biixi Cabdi.