“Ma Dhici Doonto in Dhulka #JABUUTI Loo Adeegsado Faro-gelin Dagaal Oo Lagu Sameeyo Dalalka Deriska…” Wasiirka Khaarajiga Jabuuti Mohaned Ali Yuusuf

JABUUTI(Hayaannews): Dowladda Jabuuti ayaa jawaab diidmo ah ka bixisey hadal ka soo yeedhey Mareykanka 🇺🇸 oo ahaa inay farogelin Milateri ku samaynayaan Xaaladda Ethiopia,iyaga oo taageereya Kooxda TPLF inay Ethiopia kaga duuleyaan Saldhiga Milateri ee ay ku leeyihiin Jabuuti, hase yeeshee,Dowladda Jabuuti ayaa cadeeysay in dhulkeeda aan loo adeegsan doonin “farogelin dagaal” oo lagu sameeyo dalalka deriska la ah.

Wasiirka Arrimaha Dibada Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa qoraal uu soo saarey maanta waxa uu ku cadeeyey mowqifka dowladda Jabuuti ee ku aaden xaalada Itoobiya,iyo sida ay uga soo horjeedaan dhawaaqii General ka tirsan ciidamada Mareykanka oo wareysii uu siiyey BBC-da walaac kaga muujiyey saameynta uu dagaalka Ethiopia ku yeelan karo gobolka, islamarkaana ciidamada Mareykanka ee Jabuuti “ay diyaar u yihiin inay ka jawaabaan xasaradda.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamuud Cali Yuusuf oo  qoraalkiisa soo dhigay bartiisa twitter-ka waxa uu ku yiri “Jeneraal Willilam Zana, taliyaha saldhigga Lemonier [ee Jabuuti], wuxuu wareysi uu siiyey BBC-da ku sharxay sida ciidamada Mareykanka ee ku sugan Jabuuti ay u fuliyaan howlgallo lagula dagaalamayo argagixisada iyo ilaalinta muwaadiniintooda haddii loo baahdo daad-gureyn.”isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu inta raaciyey oo yir:“Dadka qaar ayaa walaac ka muujiyey in dhulka Jabuuti loo adeegsanayo farogelin dagaal oo lagu sameeyo dalalka deriska la ah. Tani ma dhici doonto sababtoo ah dowladda Jabuuti waxaa ka go’an xiriirka ay la leedahay deriskeeda.”

Mr. Mohamud Ali Yuusuf  ayaa waxa uu  sheegay in Jabuuti ay qadarineyso iskaashiga muhiimka ah ee ay la leedahay Mareykanka, “ayna hubantii tahay in iskaashigan aanu aheyn mid ka dhan dal kasta oo ay noqoto.”

Saldhigga ciidamada Mareykanka ee Jabuuti ayaa inta badan loo adeegsadaa in laga qaado weerarada iyo howlgallada ka dhanka argagixisada, kuwaas oo lagu fuliyo meelo ay ka mid tahay Soomaaliya.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Mustafe_Janaale(#MJ)

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com