“Maamul Goboleedyadu Ha Isu garab-sadaan Sida Ay ISu Xigaan, Puntland-na Waxay Xigtaa Somaliland…”.Madaxweynaha Puntland Siciid DENI.

Qardho(Hayaannews): Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdilaahi Dani ayaa ku baaqay inay is-garabsadaan siday goboladu isugu xigaan oo Puntland ay garabsato Somaliland, isla markaana laga wada shaqeeyo wada-jirka iyo wax kala korodhsiga.

Madaxweyne Deni, waxa uu si qoto dheer uga hadlay dhibaatada uu Ayaxu u geysto deegaanka, isla markaana uu yahay aafo loo baahan-yahay in si wada-jira la isaga difaaco.

Md. Deni waxa uu sidaa ku sheegay Xaflad lagu daah-furay  Xarun weyn oo lagula dagaalamayo Ayaxa oo Soddon sannadood kadib burburkii Soomaaliya laga hirgeliyay Magaalada Qardho ee Maamul Goboleedka Puntland.

Mar uu Madaxweyne Siciid Cabdilaahi Deni ka hadlay Somaliland waxa uu yidhi “Talaabooyinka wada-jirka iyo wada-shaqenta waxaan rajaynayaa inay sii xoogeystaan, oo khibrada la kala qaato, oo Goboladu midba mid ayuu ku sii xigaa, oo Puntland Somaliland iyo Galmudug ayay ku xigtaa,..”

Madaxweyne Deni waxa uu si adag uga hadlay dhibaatada iyo aafada uu deegaanka ku hayo AYAXU,isaga oo ku dooday in si wada-jira looga wada hawl-galo, waxaanu yidhi “….Ayaxu waa aafo aad u baaladhan,makaa madaxda Afrika ka timi iyo Soomaaliya-ba waa inay iska kaashadaan waxa khuseeyaa Gobolka. Waxa Soomaalida khuseysana waa inay iska kaashato, waxa Gobolka khuseeyaana waa inay gobolku iska kaashadaan.”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Bahalkaasi “AYAXA” khatar ayuu ahaa oo ma sahlana, maalintii dhaweyd markii uu yimi waxaad moodaysay Daruur guureysa, wax la la dagaalami karo maaha, waa Aafo ILAAHAY ha inaga hayo.”

Md. Deni waxa uu ku dooday inuu ku faraxsan-yahay in soddon sannadood, kadib burburkii Soomaaliya laga hirgeliyo maanta xaruntii ugu weynayd Gobolka Magaalada Qardho, isaga oo arrimaha ka hadlayana waxa uu yidhi“Waxaan aad ugu faraxsanay soddon sanno kadib, xubnimadii ay Soomaaliya ka ahayd, hay’ada la dagaalanka Ayaxa Afrika, oo ay ka mid ahayd xubnihii aasaasay 1962-kii oo ay soddon sannadood ka maqnayd, dib ugu noqoshadeedi in maanta lagu saxeexo Magaalada QARDHO oo Wasiirka Wasaarada Federaalka Soomaaliya iyo madax hay’adu ay halkan ku kala saxeexdaan, waxay Puntland iyo Magaalada Qardhoba u tahay Sharaf”

“Way mudnayd Xarunta noocan oo kale ah “La Dagaalanka Ayaxa” oo soddon sannadood kadib xarun heer Gobol ah laga hirgeliyo Qardho, Soomaaliya xarun noocan oo kale ahi kama jirto, waa farxad iyo masiir gaara oo ay QARDHO heshay, sababta ay u heshayna waa buqcada ay ku taalo…”.Ayuu yidhi

Hadalkan ka soo yeedhay Madaxweyne Deni ayaa waxa uu u muuqdaa mid uu ku danbabasayo hadalo xanaf leh ooh ore uga soo yeedhay qaar ka mida Xildhibaanada Puntland, kuwaasi oo mooshin ka dhana Somaliland keenay Golaha, kaas oo markii danbe fashilmay.

Sidoo kale, waxa uu Hadalka Madaxeyne Deni ku soo beegmayaa, kadib markii maanta Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu ka jawaabay dhawaaqaasi ka soo yeedhay maamulkaasi, isagoo ku dooday inaanu marnaba Puntland ka fileyn.

Talaabadan uu qaaday Siciid Deni, ayaa dadka inta baddan odorosa Siyaasadu ku tilmaameen mid raali-gelina, oo u uku dhayayo hadaladii xanafta lahaa.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net  oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com