Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ”Putin Wuu Diiday Dadaalkasta Oo Lagaga Baaqsado Colaad Aan Loo Baahnayn iyo Dhiig Daata”.

Washington (Hayaannews) – Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, oo sheegay in dalkiisu aanu ciidamo difaaca Ukraine u dirayn, balse ay Ruushka kusoo rogayaan cuna-qabatayn.

Biden, ayaa sheegay in Putin uu diiday dadaalkasta oo xal loogu heli lahaa dagaalka Ukraine, isla markaaana, uu weerar ka qaaday xili Qarama Midoobay shirka yeelanayeen arrimaha Ukraine.

Waxaanu yidhi.”Waxa uu diiday dadaalkasta oo Maraykanka iyo saaxibadayadu, ay doonayeen in lagaga baaqsado colaad aan loo baahnayn iyo dhiig data”.

Todobbaado ayaanu ka digaynay in ay tani dhici doonto, isla markii ay doonayeen Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay in ay kulmaan si ay u taageeraan xornimada Ukraine, ayuu dagaal ku qaaday”

Waxa uu sheegay in qorshaha Ruushku uu ku weeraray Ukraine, uu yahay mid aan mar marsiyo loo heli karin, isla markaana ah talaabo ka hor imanaysa sharciga caalamiga ah.

Waxa uu ku hanjabay in Ruushku uu wajihi doono cawaaqib xumo ka dhalata dagaalka uu qaaday “Putin isaga ayaa xasarada bilaabay, Putin isaga ayaa dagaalkan doortay, isaga iyo waddankiisuba waxay bixin doonaan cawaaqibka ka dhasha”.

Waxa uu sheegay in uu meel marinayo xayiraado la saarayo waxa Ruushka laga soo dhoofin karo iyo waxa loo dhoofin karo, isla markaana, xayiraad la saarayo dhaqaalaha Ruushku ku leeyahay waddamada galbeedka, cuna qabatayntan oo ay isku raacsanyiin waddamada ku jira gaashaan buurta NATO iyo waddamo kale.

Biden ayaa sheegay in Maraykanku aanu ciidamo difaaca Ukraine u dirayn, balse uu difaaci doono waddamada ka tirsan NATO ee bariga Yurub, dhinaca kalena uu is garabtaag u muujin doono Ukraine.