Madaxweynaha Somaliland oo u ambo-baxay Gobollada Galbeedka Dalka, Gurigiisana ku Booqday Madaxweynihii hore
February 23, 2019 - Written by editor editor
Siduu ku soo warramay Weriye ka tirsan Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, waxa Madaxweynaha maamulka gobolka Gabiley, waxgaradka deegaankaas iyo dadweyne tiro badani ay ku soo dhaweeyeen magaalooyinka Carro-Yaambo, Abaarso iyo Arabsiyo.
Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi waxa socdaalkiisu la xidhiidhaa xog ogaal u noqoshada xaallada bulshada ku dhaqan gobollada galbeedka Somaliland, waxaana lagu wadaa inuu Isniinta toddobaadkan ka furmo magaalada Boorame shirweynihii lixaad ee Golaha Dhexe ee xisbul-xaakimka KULMIYE kaasi oo lagu qabanayo Boorame.
Geesta kalena, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa intii uu ka ambobixin caasimadda Hargeysa, wuxuu booqasho iyo salaan ugu tegay madaxweynihii hore ee Somaliland, ahna Aas-aasaha xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).