“Madaxweyne Biden Somaliland ha ku soo casuumo shirka dimuqraadiyadda…” Michael Rubin

Hargeysa(Hayaannews)- Michael Rubin oo ah khabiir iyo xeel-dheere millatari oo u dhashay dalka Maraykanka ayaa warbixin dheer oo uu qoray Madaxweynaha Maraykanka ku cannaantay in aanu Jamhuuriyadda Somaliland ku soo casuumin  shir uu u qabanayo dalalka dimuqraadiyaddu ka jirto ee caalamka.

Warbixin dheer oo Michael Rubin uu ku daabacay Wargeysyada Maraykanka oo Wakaaladda Wararka ee SOLNA ay soo xigatay ayuu ciwaan uga dhigay “Madaxweyne Biden Somaliland ha ku soo casuumo shirka dimuqraadiyadda.”

Khabiir Michael Rubin wuxuu sheegay in ay sax tahay in Maraykanku uu gartay inuu shirkaas ku soo casuumo dalalka Taiwan, Armenia iyo Georgia, hase ahaatee wuxuu ku dooday in shirkaas oo aan lagu martiqaadin Somaliland ay tahay  guul darro iyo fursad uu lumiyey Madaxweyne Joe Biden, iyadoo Maraykanku uu  ka mid ahaa dalalkii aqoonsaday  Somaliland xiligii ay  xornimadeeda ka qaatay Ingiriiska sannadkii 1960kii.

Waxa kaloo uu tilmaamay in taliskii Siyaad Barre uu Jamhuuriyadda Somaliland ka geystay xasuuq uu ku laayey 100.000 oo qof oo rayid ah ka hor intii aanay burburin dawladdii Soomaaliya.

Michael Rubin wuxuu xusay in Jamhuuriyadda Somaliland ay la soo noqotay madaxbannaanideedii  iyadoo aan wali adduunyada ka helin wax aqoonsi ah.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Mustafe_Janaale(#MJ)

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com