“Madaxweyne Muuse Maaha Maanta Ninkii Faani Lahaa,Waayo Dhan kasta Oo Aad Ka Eegta-ba Wuu Fashilmay.” Xoghaye Khadar Xuseen.

Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi

Hargeysa(Hayaannews): Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Mudane Khadar Xuseen Cabdi ayaa sheegay inaanay ahayn inuu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu faanno,isaga oo ku sababeeyey inuu fashilmay dhinac kasta oo laga eego xukuumaddda uu hoggaaminayo.

Sidaa waxa uu Xoghaye Khadar ku sheegay qoraal uu soo saaray oo ay soo baahisay Shabakada Wararka ee Hayaannews.

“Shan Sano kahor wuxuu Muse yimi dadka oo midaysan oo dalka dastuurku sareeyo maantana dadka ayaa hotellada laga kaxaystaa oo guryo lagu xidhaa, dadka waxaas samaynayana waa la  garanayaa”.Ayuu yidhi Xoghaye Khadar Xuseen.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Shan Sano ka hore Wuxuu Muuse madaxwayne noqday Caasimada Somaliland oo booyad iyo dameer loogu dhaamiyo waxaanu wakhtigiisii dhamaanayaa oo uu ka tagayaa Caasimadii oo wali biyo la’a”

Xoghaye Khadar Xuseen waxa u uku eedeeyey Madaxweyne Muue Biixi inuu filmay, isaga oo arrimaha ka hadlayana waxa uu yidhi “Muuse maaha maanta ninkii faani lahaa waayo dhan kasta oo aad ka eegtaba wuu fashilmay.Wadada uu qaaday shalayna halka ay tagto waa la yaqaanaa oo waa wax taariikhdu ina bartay.”

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Mustafe_Janaale

Hargeisa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com