Kuwaasoo
ka qayb-galay munaasibadda 18-ka May ee 28-guurada ka soo wareegtay markii ay
Somaliland xorriyaddeeda dib ula soo noqotay. Sidaasina waxaa lagu sheegay
war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda Somaliland.
Madaxweyne
Muuse Biixi Cabdi, waxa uu kulan gaar ah la qaatay wufuud ka kala socotay
dalalka Kiiniya, Yugaandha iyo dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya, oo ka mid
ahaa wufuudii ka soo qayb-galay munaasibadii Dabbaal-degga 18-ka May.
Wuxuuna
uga mahadnaqay ka soo qayb-galkooda munaasibadii 18 May, isagoo ku bogaadiyay
inay xil weyn iska saareen sidii ay shacabka Somaliland ugala qaybgeli
lahaayeen maalinta farxaddooda.
Xubnaha
weftiga ka socda dalka Yugaandha, Kiiniya iyo Is-maamulka Soomaalida Itoobiya,
ayaa dhinacooda madaxweynaha soo gaadhsiiyay dhambaallo salaan iyo hambalyooyin
ah oo ay shacabka Somaliland uga sidaan masuuliyiinta dalalkooda, kuwaasoo uu
madaxweynuhu-na si kal iyo laab ah uga gudoomay.
Madaxweyne
Muuse Biixi Cabdi, ayaa sidoo kale xubnaha weftiga u sheegay inay Somaliland
dunida inteeda kale la leedahay xidhiidh wanaagsan oo diblomaasiyad, saaxiibtinimo
iyo is fahan ku dhisan, kaasoo midhihiisa ay ka mid yihiin wufuudda ay dalalka
kala duwani u soo direen ka qaybgalka dabbaal-degga maalinta qaran ee 18-ka
May.
Sidoo
kale wuxuu madaxweynuhu u mahadnaqay dhammaan wufuudii ka socday dalalka kale
ee munaasibada ka soo qayb-galay iyo wadamadii Somaliland ku soo hambalyeeyey
maalintaa qaran ee 18 May.
Wufuudda kala duwan ee ka kala socota dalalka caalamka ee uu madaxweynuhu la kulmay, ayaa dhankooda caddeeyey in imaanshiyahoodu marag u yahay sida ay beesha caalamku ugu kalsoon tahay Dimuqraaddiyada iyo dawladnimada ka hana qaadday Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaanay madaxweynaha ku bogaadiyeen dedaalka uu ugu jiro inuu dhiso xidhiidhka ay Somaliland la leedahay dunida inteeda kale, horumarka iyo wada jirka shacbi weynaha Somaliland gaadheen.