“Magaalada Hargeysa Waxa Ku Xeeran Khataro Baddan Oo Ay Ugu Horeeyaan….”Madax-xafiiska Maareeynta Khataraha iyo Masiibooyinka Dowladda Hoose ee Hargeysa Cali-DHEEREEYE

Madax-xafiiseedka maareynta khataraha iyo masiibooyinka ee Dawlada Hoose ee Caasimada Hargeysa Mr. Cali Maxamed Nuur (Cali-DHEEREYE)

Hargeysa(Hayaannews): Madax-xafiiseedka maareynta khataraha iyo masiibooyinka ee Dawlada Hoose ee Caasimada Hargeysa Mr. Cali Maxamed Nuur (Cali-DHEEREYE) ayaa welwel ka muujiyey xaalada khatarta Aafada dabka iyo baylaha ay ku sugan tahay  Caasimada Somaliland ee Hargeysa, isaga oo ugu baaqey guud bulshada reer Hargeysa iney iibsadaan haamaha badbaada dabka oo ku xidhaan dhismayaashooda noocu doono ha ahaadee.

Madaxa-xafiiska Maareynta khataraha iyo Masiibooyinka Dowlada Hoose ee Hargeysa Mr.Cali dheereye waxa uu xusey iney soo wadaan awaamiir iyo xeerar ku saabsan bad-baadada dabka oo qaban doona ciddii u hogaansami weyda ku dhaqankiisa.

Isaga oo ka bixinaya sharaxaad khataraha ku xeeran Magaalada Hargeysa iyo sida looga hortegi karo khatarahaas, waxa uu yidhi; “Sida aynu ka war-hayno Magaalada Hargeysa waxa ku xeeran khatar baddan oo ay ugu horeeyaan Kaal-maha Shidaalku. Waxa jira qiimeyn aanu samaynay iyo qaar aanu wadno oo ay ka mid yihiin imisa fooq ayaa Hargeysa ku yaala, imisa fooq ayaa lagu xidhay qalabkii bad-baadada dabka, qiimeynta waxaanu u qaadanay tijaabo “Pilot”, annaga oo fuinayna tallo soo jeedintii Maayorka Caasimada Hargeysa Cabdikariin Ahmed Mooge, oo ahayd inaan tijaabo u qaadano qeyb kaliya tiina way noo soo dhammaatay.”

Md. Cali-Dheereye waxa uu wel-wel ka muujiyay xaalada khatarta ah ee ay ku sugan tahay Caasimada Somaliland ee Hargeysa, waxaanu yidhi “Hadaan Hargeysa idiin sheego khatarta ay ku sugan tahay cidna waxba may dhex dhigateen oo way a guuri lahayd, waa ubucdii dhaqaalaha,waana meesha ay ku taalo ganacsigii ugu badnaa, waana meesha ay taallo lacagtii ugu badnayd”.

“Markaa Tabbabarkani maaha kii kowaad iyo kii labaad oo dhammaanaya, waana qeyb ka mida geedi-socodkii badbaadada dabka Caasimada oo toddobaadka bishan 2aad u horeeya February 2023, aanu u qoondeynay inaan ku qabano Caasimada Hargeisa. Imikana shaqaalaha aqoontooda lagu sii dhisayo qeyb ka mida weeyaan.”.Ayuu yidhi Cali-DHEEREEYE.

Cali-DHEEREYE waxa uu ugu  baaqay bulshada reer Hargeysa iney iibsadaan Haamaha badbaada dabka oo ku xidhaan dhismayaashooda noocu doono ha ahaadee. “Hadaba reer HARGEYSOOW halka loo socda waxa weeyaan Guri-kasta, aqal kasta, Gaadhi kasta, Albaab-walba, iskuul-walba, Xafiis-walba Masaajid walba in laga helo Haamaha bad-baadada dabku inay ku yaalaan, kharash baddan maaha ciddii u baahan waxay la soo xidiidhi kartaa Macalin Cabdixakiin iyo Shirkadaha kale ee bad-baadada dabka.”Ayuu yidhi.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Qofkasta oo reer Hargeysa ahi ama qol ku leh Hargeysa ama jiingad ama Gaadhi ku leh ama Xafiis yar oo uu ku shaqeysto ku leh waxaan ku soo jeedinaynaa inaad iibsato Haanta Bad-baadada dabka oo aad ku xidhato, waxay ka bad-baadinaysa lacag tirro baddan oo hal meel kaaga gubtaa, oo adiga oo arkaaya hadana aan waxba ka qaban Karin, laakin haantaasi waxay ku badbaadin kartaa iyada oo aan boqol Dollar aan gaadhayn.”

“Muwaadin waxa soo bixi doonta awaamiir Xeerar ayaa la wadaa Siyaasaddo ayaa la wadaa oo hadhowto khasab kugu noqon doonta in lagugu ganaaxo oo lacag lagaaga qaado. Waxa lagaala hadlayaa waxa weeyaan hantidaada bad-baadso, hadaad intaas garanweydo hadhow ganaaxu wuu daba socdaa”

Madax-xafiiseedka maareynta khataraha iyo masiibooyinka ee Dawlada Hoose ee Caasimada Hargeysa Mr. Cali Maxamed Nuur (Cali-DHEEREYE)

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com