Mareykanka Oo Venezuela Kala Hadlaya Qorshe Ka Dhan Ah Ruushka

Washington(Hayaannews): Wafti ka kooban saraakiil sar-sare oo Maraykan ah ayaa Sabtidii booqday dalka Venezuela si wadahadal loola galo xubno ka tirsan xukuumadda madaxweyne Nicolas Mudaro.

Wadahadallada ayaa ku saabsan sidii Maraykanka uu u dabcin lahaa cunaqabateynta dalkaas oo ah mid ka mid ah dalalka ugu waxsoosaarka badan dhinaca saliidda.

Afhayeenka Aqalka Cad, Jen Psaki ayaa Isniintii shalay sheegtay in waftiga Maraykanku dood ka galeen arrimo dhowr ah oo ay ku jirto amniga saliidda iyo bedqabka mawiidiniin Maraykan ah oo dalkaas ku xiran.

Waxay tidhi labadaas arrimood ay midba markiisa ayaa laga wada hadlay.

Warar laga helay dad wada xaajoodka ka qeyb galay ayaa warbaahinta u sheegay in wada xaajoodyadu ay bilo ka hor daaha gadaashiida ka sii socdeen, hase yeeshee, ay hadda horay soo mareen kadib markii Ruushku uu ku duulay dalka Ukraine