Marin biyoodka Suez Canal Oo Xannibmay

Qahira(#Hayaannews): Saddexdii maalmood ee ugu danbeeyey waxa xanniban marin biyoodka Suez Canal oo muhiim u ah nolosha dunida, gaar ahaan maraakiibta sida badeecadaha u kala goosha qaaradaha adduunka.

Marinkan oo uu xanibay markab weyn oo sida kumanaan tan oo badeecad ah ayay wali socdaan dedaallada ku aadan sidii looga leexin lahaa jidka.

Dawlada Qaahira ayaa sheegtay inay si ku meelgaadha ay u xidhay Canalka Suez inta laga hagaajinayo Markabka weyn eek u xanibmay Canalka weyn ee Suez

Madaxa hay’ada maamusha Canalka Suez ayaa maanta sheegay inay gebi ahaanba joojiyeen isku socodka Canalka Suez inta laga dhaqaajinayo Markabka weyn ee dhex fadhiistay meel muhiim u ah Suez

Hayaannews, Office

Qahira, Masar