Maxaad Ka Taqaana Taariikh-nololeedkii  Marxuum Cabdiraxmaan Madar Carraale?

Alle ha u naxariiste Cabdiraxmaan Madar Carraale waxa uu hilaadii 1942-kii ku dhashay hawdka Magaalada Oodwayne. Isaga oo yar ayaa ay xiligii Habtii aabihiis AHUN kaneeco ku dishay duleedka Buuraha Naaso-Hablood ee magaalada Hargeysa, iyaga oo geedi ah, waxaana lagu aasay Xabaalo ku yiilay agagaarka Dugsiga Maxamuud Axmed Cali.

Aabo isaga oo dadiisu yartahay oo agoon ah ayaa uu ku fikiray in uu cilmi barasho u aado Wadanka Sucuudi Carabiya, si uu hadafkiisa u xaqiijiyana waxaa la sheegay in uu neef Adhi ah oo uu sahay ka dhigto kala ambabaxay reerka. duco iyo dardaaran ka dib waxa uu gaadhay wadanka Jabuuti oo uu Doon ka raacay. Doontii ayaa geysey Wadanka Yaman oo uu markii dambana ka socdaalay isaga iyo asxaab kale oo safar waa si wada yeele ay Jidka isku sii barteen. Waxaa uu ii sheegay intii ay dhexda ku sii jireen in ay sii muteen dhibaatooyin iyo rafaad badan oo ay ka mid ahaayeen gaajo iyo haraad, daal iyo diif iyo dhimasho intaba.

Waxa uu iiga sheekeeyay intii ay safarka bada ku jireen in ay doonti ka xumaatay dabadeed dadka intii dabaasha taqaanay ay badii isku wada tuureen oo ka dabaasheen, isna uu go’aansaday in uu ka dabaasho balse mawjadihii biyaha ay muquuriyeen, maalintaasna ilaahay u baxshay haweenay qaylo dhaan u dirtay naakhuudayaashii doonta halkaasna lagu bad baadshay idamka Alle.

Waxaa kale oo uu iiga sheekeeyay mar iyaga oo lugaynaya dhul buuraley ah ay ku soo baxeen tog biyo ah oo rogmanaya. Gal dad liq ah ulbaa layskaga dayaaye, kii da ahaan ugu waynaa oo markaasi sahaydana u siday in uu lugta kula dhacay, inyar ka dibna togii waa uu dhuftay, haddii ay bar bar yaaceen si ay u bad baadshaana ilaahay ma qadarin in ay ka soo sabato bixiyaan. Iyaga oo waayay saaxiibkood iyo sahaydii yarayd labadiiba oo xaaladoodu tahay, Sumaloow ido seeg, riyo seeg, ayaa ay sii wateen safarkoodii. Wakhti kale iyo safarkoodaa waxa ay ku soo baxeen reer Carbeed oo reer miyi ah si ay martigelin uga helaan, reerku waxa ay haysteen Ey ilaalo ah oo belo ka dhacday, hadaba markii ay usoo dhawaadeen gurigii waxaa orod kaga hor yimid Eydii, haddii aanay aydaas iska dhicin lahayna  reerkaasna uma aysan hoydeen eydaasina ma nabad geliseen.

‘Ragonimo nimaan tacab ku arag,

Aayar heli waa’- ….  AHUN Xaaji Aadan Af-Qalooc

Markii ay soo gaadheen Sucuudi Carabiya, gaar haan Magaalada Riyaad, Aabo AHUN waxa uu hor ka bilaabay in uu xaqiijiyo ujeedkiisii, waxaana uu bilaabay waxbarashadiisii Dugsiga Hoose/Dhexe isaga oo halkaasi ku dhamaystay ilaa heer jaamacadeed.

Waxa xusid mudan in Aabo oo uu magaciisii hore ahaa Caydiid Rooble Carraale markii uu bilaabay waxbarashada Dugsiga Hoose in laga bedalay magaciisa, ka dib markii ay kari waayeen carabtii wax u dhigaysay, una bixiyeen Cabdiraxmaan Madar Carraale. Magaca dhexe ee ‘Rooble’ waxa ay u turjumeen ‘Madar’, balse magaca awoowgiis oo ah ‘Carraale’ umuusan ogolaan in ay bedelaan. Ilaa sebenkani aynu joognana dhanka baadiyaha waxaa looga yaqaan magaciisii hore, walaaladiisna waa reer Rooble.

AHUN waxa uu ahaa walad baari ah oo aan marnaba ilaabin Hooyadiis Macaan laga soo bilaabo yaraantiisii ilamaa uu Alle ka oofsanayay oo ay Gurigiisa ku dhimatay. Waxaan xasuustaa in markii ay Ayayday Aabo naftu ka baxday uu Aabahay AHUN labadoodaba’e ilmeeyay, waxaana uu ku fasiray ilmadaasi naxariista ka sokow in uu rabay isaga oo madaxa haya oo u khidmaynaya Hooyadiis in Allah oofsado.

Wakhtigii waxbarashada uu ku jiray markasta waa uu lasoo xidhiidhi jiray Hooyadiis, waxna waa uu soo tari jiray, taasina waa ta keentay in ay jeclaato oo suugaan duco ku ladhan tahay u alifto wakhtiyadaasi uu ku jiray sooyaalkii waxbarasho iyo markii dambe ee uu soo guryo noqday una holaday in uu guri yagleelo. Suugaanteedii ducada xambaarsanaydna waxaa ka mid ahaa:-

‘kuu duceeyay ee Alloow Daar laguu rakibo,

kuu duceeyay ee Cabdoow Curado daadahee,

Alloow mid ku deeqda iyo Dahabo kuu horseed’ …… AHUN Ayeeyo Dhudi Yogol

Saddexdaasi tuduc-na mid waliba Alle sareeye waa uu aqbalay oo Aabahay sida la sheegay Daartiisa oo la odhan jiray ‘Daarta-Macalinka’ iyo Daarta Khayre Yuusuf waxa ay ahaayeen aqaladii loogu hor dhisay ee lagu bilaabay aas aaska Xaafada Siinay. Ubadkii Allah ku arsaaqayna waxaa ugu horeeyay 4 Wiil oo curadadiiya dhalasho ahaana isku xig xiga, kuwaasi oo kala ah (Cabdikarim, Faysal, Saciid iyo Cabdiqani). Markii dambana waxaa dahabo Hooyaday ugu shanaysay inan loo baxshay Samiira oo ah inanta hablaha u wayn oo iyana  dhalashadeedii Buraanburkani ducada ah ay u marisay Ayeeyday:-

’Gabadhan Guntanbaa la yidhaa,

Oo ragbaa isku goyn,

geesigii dhalayna guunyo waa u hanti,

Geerash baabuur iyo Alloow Guunyo badan ku sii’ ….. AHUN Ayeeyo Dhudi Yogol

Aabo, waxa uu ku jiray aqoonyahano iskood ugu soo noqday wadankooda todobaatameeyadii, Isla markiibana waxa uu ku biiray Bahdii Waxbarashada ee Wadankii Soomaaliya la odhan jiray, isaga oo bare sare ka noqday Dugsiyadii sare iyo Kuliyadihii dalka ee ay ka midka ahaayeen, Feeras Julaay oo maanta ah dhismaha Jaamacada Hargeysa, Maxamuud Axmed Cali, 26-ka Juun, Camuud, Xalane, Koleejo noobal iyo qaar kaleba. Sidoo kale waxa uu ka tirsanaa Bahda Manaahijta ee Somalia iyo Somalilandba, wuxuuna wax ka qoray Buugii Carabiga ee Dugsiyada sare ee Somalia iyo Buugta Dugsiyada Hoose/Dhexe ee Somaliland, isagoo gaar ugu suntanaa dejinta iyo waliba teeb garaynta imtixaanaadka maadada Carabiga ee fasalada 8aad ee Dugsiyada Hoose iyo fasalada 4aad ee Dugsiyada sare ee Somaliland. Waxa uu sidoo kale ka mid ahaa Kormeerkii iyo hawl wadeenadii dhanka waxbarashada ee Somaliya iyo Somalilandba. Wuxuu ka mid ahaa foolaadkii ay ku dhaadan jireen bahdii waxbarashada Somalia iyo Somaliland ba mudo ku siman 40-tameeyo sano.

Markii dambe AHUN Aaabo waxa uu u wareegay Garsoorka Somaliland, isaga oo shaqada Garsoorka ka bilaabay Maxkamada Degmada, kana soo shaqeeyay sidoo kale Maxkamada Gobolka ilaa Maxkamada Sare mudo ku siman dhawr iyo tobaneeyo sano.

Asxaabtiisii Bahda waxbarashada iyo Garsoorka oo farabadnaa waxaa ka mid ahaa AHUN Cali Jaamac oo loogu magac daray Dugsiga Hoose/Dhexe ee Cali Jaamac oo ah Dugsi ay ka aflaxeen badiba caruurta aanu walaalaha nahay iyo ubadkoodu, Maxamed Cumar oo AHUN ahaa macalin wayn oo markii dambana ay ka wada shaqayn jireen Madarasadii Al-Huda, Daa’uud Gadhwayne, Cilmi Caateeye Warsame, Cali Ibraahim Iidle, Mama Faatima, Maxamuud Xaaji Xasan Tulux, Ex-Wasiir Axmed Nuur Shaacir, Waari Walow, Yalaxow intii dhimatay Alle ha u naxariistee iyo qaar kaloo badaniba dhamaantood waxa ay ka mid ahaayeen Bahdii Manaahijta ee Somaliland iyo Somalia. Sheekh Xuseen Cali isna waxa uu ka mid ahaa asxbaabtiisa Bahda Garsoorka, waxaana ay ahaayeen laba nin oo ku suntan Garsoorka Somaliland sida ay ka markhaati kaceen dadyoow farabadan oo ay kiisas ka galeen Maxkamadaha Somaliland.

Waxaan la hilmaami karin in uu meel kasta oo la joogo iyo shaqo kasta oo uu qaban jirayba ahaa hormuud la jecel yahay, masuul xilkas ah iyo qof u daacad ah shaqadiisa, xiliyadii dagaalada sokeeye ka qarxeen dalkii Somalia, waxaa uu ka mid ahaa Bahdii wakiiladii Hayjiinta iyo Macalimiintii Dugsigii Xerada Qaxootiga ee Baliyalay, Harta-Sheekh B. Halkaasina macalimiintii ay sida wayn saaxiibka u ahaayeen waxaa ka mid ahaa Macalin Khadar.

Mudadii uu ku jiray noloshii waxdhigiseed waxaa uu soo saaray arday farabadan oo ku sugan dalka iyo daafaha dunida, waxaan ka xusi karaa ardaydiisii taabo galay Wasiirka Beeraha Jamhuuriyada Somaliland Maxamed Xaaji Xuseen, Sheekh Maxamed Ismaaciil, Dr.Salebaan Axmed Guuled, Dr.Aw-koombe, Maryan Cali Muudey oo ah gabadha qaada heestii ‘Alif la kor dhabay’ iyo qaar kaloo badan.

Intii uu noolaa, AHUN Aabo waxaa uu soo maray maraaxil nololeed oo kala duwan oo macaan iyo qadhaadh labadaba leh, waxaan tusaale usoo qaadan karaa dhacdooyin layaab leh iyo isku dayo dil ama dhimasho oo ilaahay sareeye ka bad baadshay.

‘Ragu baabi’iisiyo,

Balan balkii ka sheekee,

Dumarkuna badhaadhaha’….. Hees Somaliyeed.

Dhacdada 1aad- waa taan horey idiinku soo sheegay oo isaga oo yar oo cilmi doonasho u socda ayuu badwayn quusay ilaahayna ka bad baadshay.

Dhacdada 2aad- wakhtigii dagaalada ayaa niman faqash/askartii dawladii hore ah oo dagaal lagu soo jabshay soo mareen isaga oo fadhiya kaabada guriga hortiisa, waa 3 askari. Haddiiba uu midkood qorigiisii soo rogtay oo inta uu shiishay oo yidhi, waa qudhmista Aabahood is yidhi toogo, ayaa mid ka mid ah askartii qoriga afkiisii qabtay oo yidhi, ‘waar inaga daa’, halkaasina ilaahay ku bad baadshay.

Dhacdada 3aad- Wakhti raaf ahayd ayaa guriga niman faqash ahi ku soo mareen oo sees ka dambeeya aqalka is yidhaahdeen ku toogta, isaga oo uu shiisku saaran yahay ayaa waxa uu askarigii inta uu qorigii dejiyay waydiiyay su’aasha ah, waar yaad tahay adigu? Aabana AHUN waxa uu ugu jawaabay, waxaan ahay Somali dabadeed askarigii waxaa uu ku celiyay, waar Somali wase yaad ka tahay, wuxuuna Aabo u sheegtay in uu yahay nin Somali ah oo Hawiye ah, oo Abgaal Cismaan ah, dabadeed, waxa uu ku yidhi askarigii oo hadaa maxaad noogu sheegi wayday mar hore, Aabana AHUN waxaa uu ugu jawaabay oo ma idinkaa iga hadashiiyayba. Abtirsiintaasi been abuurka ah ee Allah ku bad baadshay waxaa xafid siisay gabadh jaarka ah oo ka soo jeeda Beesha Abgaal Cismaan ee Hawiye oo uu Dugsigii Sare ee Maxamuud Axmed Cali Aabo AHUN macalin ugu ahaa.

Dhacdada 4aad- maalintani waxaa la ururiyay niman badan oo Aabo ka mid ahaa si loogo soo toogto Maka dur duro, balse nasiib wanaag tiiyoo milicda la fadhiisiyay oo mudo yar ka dib la qorsheeyay in la toogto ayaa waxaa ka soo gaadhay wafti uu hogaaminayo Gabyow, halkaasina waxaa ooda lagaga qaaday odayaashii uu ka midka ahaa Aabo, iyadoo la faray in nin waliba jiho gaara ka baxo oo deg deg ugu noqdo gurigiisii.

Dhacdada 5aad- Waxa ay dhacday wakhtigii uu Aabo AHUN go’aansaday in uu dalka uga baxo dhankaasi iyo xeryihii qaxootiga siiba xeradii qaxootiga ee Janiifa oo Xarshin u dhawayd. Hadaba duleedka magaalada waxaa kula kulmay niman askar ah oo fadhataysina wada, waxaanay ka qaadeen Alaab wixii uu sitay sida rikoodkii, saacadiisii iyo alaab kale balse markii uu u sheegay abtirsiintii bed baadada ee aan horey soo aragnay alaabtiisiina waa usoo celiyeen, gelbisna waa ugu dareen ilamaa ay soo dhaafiyeen faramahoodii ciidankooda si aan mar kale loo dhicin ama se dilinba.

Dhacdada 6aad- wakhtigii la joogay Xeradii Qaxootiga ee Janiifa, ayaa waxaa ku dhacay Aabo xanuunka Jooniska oo wakhtigaasi dadkii qaxootiga ahaa tamootigooda aad u badshay, maalintaasi aad ayuu u xanuunsaday anaga oo kaba samirnay ayaa Allah maalin kale oo shalay noqotay u dhigtay. Maah maah Somaliyeed ayaa ahayd ‘Nina tarantiisa lama god galo, waa iska dhab’.

Waxa aan tacsi u dirayaa Waalidka hadhay waa Hooyo’e, walaaladay wiilal iyo gabdhaba meel kastooy joogaan, ehelkayo, asxaabtiisii waxbarashada, iyo garsoorka iyo asxaabtiisii kale, jaarkii, Qaranka Somaliland iyo Umada Soomaaliyeed meel kastooy joogaanba intii magaciisa iyo muuqiisaba tiqiinay waxaan leeyahay ilaahay sabir iyo iimaan haynaga wada siiyo dhamaanteen, isagana Alle wayne hooy hawga yeelo janatul fardawsa al aclaa, hana u naxariisto, oo ha u nuuro xabaasha, iilkana neecoow udgoon iyo haku siiyo naruuro. Aamiin,  Aamiin, Aamiin.

Guntii iyo gaba gabadii naxariistii jano Alle haka waraabiyee Aabo Cabdiraxmaan Madar Carraale waxa uu ifka kaga tagay 6 will iyo 3 hablood oo iyaga iyo intay sii dhaleenba marka laysku daro tiro ahaan noqonaya 40 meeyo.

La soco,…. Qaybta 2aad- Bar-baarintiisii, Xasuustii aniyo Aabahay, AHUN haddii Alle idmo.

W/Q: Faysal Cabdiraxmaan Madar

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com