MUUSE BIIXI: Madaxweynihii Ugu Horeeyey Somaliland Ee Kormeera Xarunta Taliska Sirdoonka Qaranka

Hargeysa-(Hayaannews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeeray xarunta taliska guud ee sirdoonka qaranka, waxana halkaas kusoo dhaweeyey taliyaha iyo saraakiisha kala duwan ee sirdoonka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi waxa halkaas warbixin ku siiyey taliyaha ciidanka sirdoonka qaranka, Maxamed Saleebaan Xasan (Sablaale), ayaa madaxweynaha uga warbixiyey shaqooyinka kala duwan ee ay ciidanku qaranka u hayaan iyo horumarka ay sameeyeen, waxana uu caddeeyey inuu gacanta ku hayo ciidan aqoon ahaan dhisan, qarankana u haya shaqo muhiim ah.

Madaxweynaha oo kormeeray dhammaan qaybaha kala duwan ee ay xaruntu ka kooban tahay, ayaa taliyayaasha kala duwan, saraakiisha iyo ciidankaba ku ammaanay shaqada adag ee ay qaranka u hayaan, waxana uu kula dardaarmay inay sii laban-laabaan shaqada ay qaranka u hayaan.

Booqashada Madaxweyne Biixi ee kormeeray xarunta taliska guud ee sirdoonka qaranka, ayaa ku soo beegantay, kadib markii maanta xarunta CID-da ee Magaalada Hargeysa loogu yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Su’aalo lagu weydiinayo

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com