“Nin ILAAH Leh Looma Dardaar Wariyo”. Ex Wasiir Maxamuud Xaashi.

Hargeysa(Hayaannews): Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in loolankii iyo laacdankii u dhaxeeyey Xisbiyada ay ka soo baxeen Sheekooyin Xiiso leh,isaga oo ku tilmaamay inay doorashadii Golayaasha Wakiillada iyo deegaanka ay u dhacday si nabadgelyo ah.

Sidaa waxa uu Maxamuud Xaashi ku sheegay Qoraal uu soo saaray kaas oo nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews, waxaanu u dhignaa sidan:

“Eebe mahadii, doorashadii waxay inoogu dhacday si nabad-gelyo ah, oo xor iyo xalaal ah. Loolankii iyo laacdankii siyaasadeed ee u dhexeeyay xisbiyada iyo xubnaha musharaxiinta waxaa ka soo baxay, sheekooyin xiiso leh, iyo xaqiiqooyin inoogu filan casharo ama cibaarooyin lama iloobaan ah.

Aan kaftamee waxaa ka mid ah dhacdooyinkas in dagaalkii qadhaadhaa, ee ay dawladu ku qaaday murashixiinta ay ka mid ka yihiin Barkhad Batuun, Cabdulaahi Yuusuf Axmed, Jamaal Cali Aadan, Mukhtaar Xasan Maydhane iyo Maxamed Abiib ay dhamaantood ka soo doogeen, isla markaana ay ka soo dabaasheen daadadkii iyo duufaanadii lagu sii daayey daradhigoodii iyo deegaanadii looga codeynayey.

Ugu dambayn, Allahayoow!! Maxaa ka run badan murtida Soomaaliyeed ee tidhaahda “nin ilaah leh looma dardaar wariyo”.  Sidaa darteed, waxaan leeyahay, waar bal Nuur Naxaroow maqal:- amuuruhu maaha sida uu inan rag doono, balse waa sida uu eebe doono.”

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com