Nuxurka Kulan Dhexmaray Madaxweyne Biixi iyo Madaxda Saddexda Xisbi Qaran Ee Somaliland KULMIYE, WADDANI iyo UCID.

Hargeysa(Hayaannews): – Xisbiyada siyaasadda Somaliland ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI, ayaa shir saddex geesood ah ku yeeshay caawa magaalada Hargeysa.

Kulankan oo ahaa afur uu soo qabanqaabiyey xisbiga KULMIYE oo ka qabsoomay Huteelka Maansoor, isla markaana ah kii labaad ee xisbiyadu isugu yimaadaan kadib shirkii Madaxweynaha hadda haya xilka Qaranka, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynihii hore ee dalka, Mudane Daahir Rayaale Kaahin ay la yeesheen axsaabta siyaasadda, waxa lagu falanqeeyey arrimaha u diyaar-garowga doorashooyinka iyo sidii dhammaan daneeyayaashu isku aragti uga noqon lahaayeen hawlaha socda iyo waxyaabaha qabyada ah ee u baahan la dhammeystiro.

Shirkan waxa ka qaybgalay inta badan hoggaanka, madaxda iyo masuuliyiin ka kala socday saddexda xisbi oo ay kala hoggaaminayeen Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, ahna Wasiirka Daakhiliga dalka, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiye Ku-xigeennada xisbiga WADDANI.

Gebogabadii waxa shirka ka warbixiyey Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland