Nuxurka U-jeeddada Kulan Dhexmaray Hoggaanka Xisbiga KULMIYE Iyo Xildhibaanada Cusub Ee U Soo Baxay

Hargeysa(Hayaannews): Hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE, ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay xildhibaannada cusub ee xisbiga uga soo baxay doorashadii golaha wakiillada ee dalka ka qabsoontay 31 May 2021.

Kulankan oo u-jeeddadiisu ahayd mahadnaq  iyo is xogwaraysi, ayaa waxa sidoo kale xildhibaannada cusub ee xisbiga  lagu wadaagay salaan iyo tahniyad ka timi madaxweynaha Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Md. Muuse Biixi Cabdi.

Afhayeenka xisbiga KULMIYE, Md. Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buuni) oo markii uu kulanku dhammaaday warbaahinta la hadlay, ayaa sharraxay ujeedada kulanka loo qabtay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Kulankaasi waxa ay ujeeddadiisu ahayd, in maaddaama doorasho iyo tartan lagu soo jirey in xubnahan soo baxay loogu mahadnaqo, looguna tahniyadeeyo guushaas ay gaadheen ee golaha wakiillada ugu soo baxeen iyo guusha weyn ee xisbiga KULMIYE kasoo hooyey doorashooyinkii isku sidkanaa ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland ka dhacay.“

Sidoo kale , xubnahan xukuumadda iyo hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE isugu jira, ayaa maanta munaasibad qado ah la qaatay xildhibaannada golaha wakiillada ee xisbiga KULMIYE usoo baxay, taas oo ka qabsoontay Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Kulankan ayaa waxa ka qaybgalay madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, ahna wasiirka arrimaha gudaha, Md. Maxamed Kaahin Axmed, guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee KULMIYE Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), wasiirka wasaaradda Ganacsiga, Dalxiiska iyo Wershedaha, ahna guddoomiye-ku-xigeenka Afraad ee xisbiga KULMIYE, Md. Maxamuud Xasan Sacad(Saajin), Af-hayeenka xisbiga KULMIYE, Md. Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buuni), guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Maroodi-jeex, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Hadhiye), wasiirka wasaaradda horumarinta Biyaha, Md. Maxamed Muuse Diiriye, wasiirka wasaaradda Hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta, Md. Cabdirashiid Ducaale Qambi, guddoomiyaha hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka, Md. Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinnif), wasiir-ku-xigeenno,la-taliyayaal iyo dhammaanba xubnaha xildhibaannada golaha wakiillada ee xisbiga usoo baxay, waxaanu ku qabsoomay xarunta Xisbiga KULMIYE.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com