Nuxurka U-jeeddada Kulanka Madaxweynayaasha Somaliland iyo Kenya.

“Labada hoggaamiye ayaa ka wada xaajoon doona arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo isu-socodka bulshada”

Nairobi (Hayaannews)- Madaxweynaha dalka Kenya Uhurru Kenyatta ayaa lagu wadaa inuu maalinta beri oo Isniin ah uu kulan la qaato Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muusa Biixi Cabdi si ay uga wada hadlaan danaha labada dalka, kulankaasi oo la filayo in si gaar ah diiradda loogu saaro arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo isu-socodka bulshada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey, oo shalay gaadhay dalka Kenya ayaa waxa madaarka ku soo dhaweeyeen wasiirka beeraha dalka Kenya Mr. Peter Munya iyo wasiiru-dawlaha arrimaha dibeda, Mr. Ababu Namwamba iyo masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda dalka Kenya.

Bayaan ay soo saartay shalay, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Kenya ayaa lagu sheegay in xidhiidhka adag ee u dhexeeya Kenya iyo Somaliland lagu xoojin doono is-dhexgalka bulshada, amniga iyo dhaqaalaha ee labada dal.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in labada dawladdood ay iska kaashan doonaan dhanka bangiyada iyo waaxda maaliyada, si loo dardar galiyo fursado maalgashi oo badan oo labada dhinac ah iyo Duulimaadyada Kenya Airways oo isku xidhaya Caasimadaha Nairobi iyo Hargeysa, si kor loogu qaado ganacsiga iyo isu socodka labada dal.

Arrimaha kale ee la filayo in lagaga wada-hadlo kulanka labada hoggaamiye ayaa ah wadaagista macluumaadka ku saabsan amniga, gaar ahaan ka hortagga argagixisada gobolka Geeska Afrika.

 

Booqashada Madaxweyne Biixi ayaa noqonaysa tii labaad ee hoggaamiye reer Somaliland ahi ku tago dalka Kenya iyada oo sidan oo kale Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin uu safar shaqo ku tagay sannadkii 2009.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com