Qabashadii BERBERA:  Furaha Guushii SNM Qeybtii 1aad. 

Sodon Sanadood ka hor waxa Ururkii SNM uu Weerar Naftii hurnimo ah ku qaaday kuna qabsaday Magaalada Berbera iyaga iyo ciidankii kale er SNM ee la socday, waxaanay taasi horseed ka noqotay soo af-jaridii Taliskii Maxamed Siyaad Barre.

Halkan waxaa ka muuqda Muj Xasan Maxamed Ubaxle oo ahaa Taliyihii Guutadii Geesiyaasha ahayd ee Koodbuur ee gacanta ku dhigay Berbera ka dibna weerarka aan kala joogsiga lahayn ku qaaday Ciidamadii Dawlada ee joogay inta u dhaxaysa Berbera ilaa Saylac.

Maalmaha soo socda waxaan idinla wadaagi doonaa cutubyo ka mid ah buug dhawaan soo baxaya oo la yidhaa  ( Guutadii Koodbuur- Weerarkii  Berbera ilaa Saylac).

Qormooyinkan hordhaca ah waxaad kaga bogan doontaan sida Berbera loo qabsaday, dariiqii la maray, diyaar garawgii iyo dagaaladii Berbera ilaa Saylac, hogaamiyayaashii, iyo mucjisooyonkii ku gedaanaa dagaaladaas SNM ay ku guulaysatay.

Waxaa beryahan danbe dhagaheena ku batay Taariikho been ah oo gacan ku rimis ah, waxaana lagama maarmaan ah in qof kastaa wixii xaqiiq ah ee uu ogaa uu Ummada usoo bandhigo.

Billada Quruxda badan ee uu gacanta ku hayo Mujaahid Xasan Ganey waxaa guutadii Koodbuur ku maamuusay Wafdi Maraykan ahaa  oo uu hormuud ka ahaa Allah ha u Naxariistee Marxuum Siciid Magaag Samatar.

LA SOCO QEYBAHA KALE ………..

Qalinkii Kaysar Maxamed

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com