Shirkii Golaha Dhexe Ee Xisbiga KULMIYE Oo Dib U Dhacay
February 20, 2019 - Written by editor editor
Guddoomiye Ku-xigeenka KULMIYE wuxuu sheegay in shirweynihii Golaha dhexe ee lagu waday inuu ka qabsoomo Boorame maalmaha 23ka iyo 24ka Bishan, uu si rasmi ah u furmi doono 25ka Feberwari isla markaana la soo gabogabeyn doono 26ka bishan.
Axmed Cabdi Dheere wuxuu xusay in hawlo shaqo oo xisbigu yeeshay darteed labaad maalmood dib loo riixay, waxaanu ku wargeliyey xubnaha Golaha dhexe inay sidaas ula socdaan.