SOMALILAND: Caasimadda Hargeysa Oo Laga Dhagax Dhigay Dhismaha Wershed Cusub Oo Kala Saaraysa Qashinka Dareeraha.

Hargeysa (Hayaannews)-Maayirka caasimadda hargeysa c/raxmaan maxamud caydiid (soltelko) ayaa duleedka bari ee hargeysa ka dhagax dhigay dhismaha wershed cusub oo kala saaraysa qashinka dareeraha ah ee magaaladda hargeysa.

Wershadan waxa hirgelinaysa Hay’adda KFW oo laga leeyahay dalka Jarmalka, ugu horayna waxa wershadan faahfaahin ka bixiyay agaasimaha arimaha bulshada iyo bilcda Caasimadda Khadar Yuusf Cali, waxaanu sheegay in werashada ay ka shaqayn doonto qashinka dareeraha ah oo markii hore ku dhici jiray meelo aan ku haboonayn dadka iyo deegaankana aan u wanaagsananayn.

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Maxamed Cali Daarood, ayaa sheegay in mashruucani qayb ka yahay oo uu dhinac socdo mashruuca biyo balaadhina Caasimadda Hargeysa waxaanu u mahad naqay masuuliyiinta dawladda Hoose.

Maayirka caasimadda Hargeysa C/raxmaan maxamud Caydiid (Soltelko) ayaa sheegay in wershadani kala saarayso qashinka dareeraha ah iyada oo biyaha laga sifeeyo loo isticmaali doono beeraha iyo deegaanka waxaanu sheegay ay qiimayn ku sameeyeen mashruucan sanadkii 2015-kii isaga oo u mahad naqay Hay’adda KFW iyo dawladda Jarmalka. Maayirka caasimadda Hargeysa C/raxmaan maxamud Caydiid (Soltelko) ayaa sheegay in mashruucan ay ku baxayso lacag gaadhaysa 2 milayn oo Dollar iyada oo waxbalaadhan ku soo kordhin doonta deegaanka waxaanu maayirku ku wareejiyay sharciyada dhulka laga dhisaayo wershadaasi