SOMALILAND: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Iclaamiyay Jadwalka Ansixinta Natiijooyinka Doorashada Golayaasha Deegaanka

Hargeysa(Hayaannews)::- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa maanta shaaciyay jadwalka ansixinta natiijooyinka doorashada golayaasha deegaanka ee dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda JSL garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta soo saaray jadwalka ay ku ansixinayaan maxkamadaha gobolada dalku, natiijada rasmiga ah ee 20 degmo doorasho, kaasi oo ay soo gudbiyeen maxkamadaha gobolada iyo maxkamadaha degmo/gobolada JSL. Waxaanu tibaaxay in wasiirka arrimaha gudahana ay la socodsiiyeen in iyaguna ay soo saaraan jadwalkii kal-fadhiga koowaad ee golayaasha deegaanka dalka.

Guddoomiyuhu waxa uu ugu horayn hay’adaha dawladda iyo shacbiga jamhuuriyadda Somalilandba ku bogaadiyay doorashadii milgaha lahayd ee qaranka u qabsoontay, sidoo kale waxa uu warbixin kooban ka bixiyay cabashooyinka ilaa hadda soo gaadhay maxkamadaha kala duwan ee dalka, waxaanu sheegay in ay yar yihiin cabashooyinka guud ahaan soo gaadhay iyadoo loo eegayo in cabashooyinku waafaqsanyihiin xeerka doorashooyinka, si cabashooyinka buuxiya shuruudaha dacwad loogu furo.

Waxaanu yidhi “Guud ahaan waddanka waxa na soo gaadhay cabashooyin kooban, Maxkamadda gobolka Togdheer waxa soo gaadhay 8 cabasho, laakiin shuruudihii arjiga may buuxin, markaa wax dacwad ah lagama furin, gobolka Sool waxa soo gaadhay 4, iyaguna intaanay ku dhawaaqin ayay eegayaan, go’aana ka gaadhayaan, Sanaagna hal cabasho ayaa soo gaadhay, iyaguna intaanay ku dhawaaqin ayay go’aan ka gaadhayaan”

Dhinaca kale Guddoomiyuhu waxa uu xusay in ay maalmahanba aqbalayeen cabashooyinka la xidhiidha  natiijadii hordhaca ahayd ee golaha Wakiilladda, waxaanu sheegay in araajida ay soo qorteen murashaxiintu loo eegayo shuruudaha uu xeerku sheegay, haddii ay shuruudaha buuxiyaanna loo furayo dacwad, haddii kalana loo sheegayo in aanay buuxin shuruudihii looga baahnaa ee dacwad furshada.

Md. Aadan Xaaji Cali waxa uu hambalyo u diray shacbiga Somaliland sida wanaagsan ee ay doorashada u galeen, waxaanu ugu baaqay in ay difaaca qarannimada Somaliland meel uga soo wada jeestaan.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com