SOMALILAND: Jamaahiirta Xisbiga WADDANI Oo Si Weyn Cududooda Ugu Muujiyay Fagaarayaasha Gobollada Dalka

Madaxda Xisbiga Waddani iyo musharaxiintooda ayaa bogaadiyey xamaasada iyo tirada taageerayaashoodu muujiyeen

Hargeysa (Hayaannews)- Kumanaan ay wejiyadooda ka muuqatay yididiilo ay ku taageerayaan musharaxiinta xisbiga Waddani ee u tartamaya doorashooyinka goleyaasha Wakiilada iyo Deegaanka oo ku labisnaa astaamahooda, calanka iyo summada xisbiga ayaa shalay soo buux-dhaafiyey dhamaan fagaarayaasha caasimadaha lixda gobol iyo guud ahaan magaalooyinka iyo tuulooyinka ku yaal dalka.

Xisbiga mucaaradka ee Waddani oo shalay maalintii koowaad qabsaday ololahooda doorashada qorsheysan dhamaadka bisha May, ayaa isu-soo-baxa shalay oo maalmahii u dambeeyey ku baraarujinayeen taageerayaashoda ku muujinayey cududiisa taageerayaal ee uu ku leeyahay dalka, iyo siday ugu diyaar yihiin guulo ay doorashooyinka ka gaadhaan.

Gudoomiyaha xisbiga Waddani, ahna Musharaxa xilka Madaxweynaha Md Cabdiraxmaan Cabdillahi Cirro oo xalay (habeen-hore) ku ibo-furay ololaha xisbiga magaalada Oodweyne, ayaa khudbado ka dib ka soo guureeyay halkaas si uu fagaaraha beerta Xorriyadda ee Hargeysa uga khudbadeeyo.

Madaxda ugu sarreysa Xisbiga Waddani oo si gaar gaar ah qolo walba loogu qorsheeyey inay gobolada dalka kula qeybsadaan ololahooda musharaxiinta iyo taageerayaasha xisbiga ayaa meel walba sidii loogu qorsheeyey hanaan nabadgelyo ah uga qabsoomeen isu-soo-baxa xisbigu.

Gudoomiye C/raxmaan Ciro oo taageerayaashii ugu badnaa ee xisbiga Waddani shalay subax ka soo xaadira fagaaraha beerta Xorriyadda khudbad dhinacyo badan u jeediyey ayaa shaaca ka qaaday in isaga iyo xisbiga Waddani qabsoomida doorashooyinka awgeed u aqbaleen go’aamo aan la aqbali Karin.

Gud Cirro, oo taageerayaasha magaalada Gebilay kala qeybgalay ololahooda ayaa dhambaalo bogaadin ah ugu diray dhamaan madaxda iyo taageerayaasha Waddani ee gobolada iyo degmooyinka dalka, cudduda iyo xamaasadda ay muujiyeen.

Gud-xigeenka 1aad ee Waddani Md Cabdirasaaq Khaliif Axmed, ahna musharaxa xisbiga WADDANI u diyaarinayo jagada Gudoomiyaha Golaha Wakiilada, haduu doorashada ku guulaysto oo taageerayaashooda xisbiga WADDANI kula hadlay fagaaraha Kheyriyadda Laascaanood ayaa sheegay haduu doorashada ku guulaysto Idam Alle, xisbiga WADDANI u sharaxi doono inuu kursiga ugu sarreeya ee Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ku metelo bulshada Gobolka Sool, waxaanu yidhi, “Kalsooni badan ayaan ku qabaa Idam Alle inaan codkiina heli doona, Somaliland-na 82 xildhibaan codkooda heli doono, si aan Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda u noqdo. Afar maalmood ayaa inoo hadhay, maalinta coddeynta xamaasad iyo feeginaan aad ku codeysaan muujiya.”

Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Md Xirsi Cali X Xassan iyo madax, oo musharaxiinta iyo taageerayaashooda xisbiga WADDANI kula hadlay fagaaraha Burco ayaa ugu horreyn ka digay inaan tartanka u dhexeeya saddexda xisbi keenin in xeerarka iyo anshaxa lagu xadgudbo, waxaanu yidhi, “Tartanka xisbiyadu yaanu keenin innaynu isku xad-gudubno oo sharciga iyo xeerarka dalka u yaala jebino, oo anshaxa iyo dhaqanka diinteena suuban ku xad-gudubno.”

Hogaamiye Md Xirsi oo amaanayey tayada musharaxiinta xisbiga WADDANI soo xulay ayaa u soo jeediyey taageerayaasha iyo guud ahaan bulshada Somaliland inay iska hubiyaan, waxaanu yidhi, “Ha nagu raacinna hadaanu ku haboonayn shaqada aanu u soo xulnay, xor baad u tahay, xaqna waad u leedahay inaad qofka ugu haboon eed ku qanacdo codkaaga ku doorato.”

Musharraxa Madaxweyne-xigeen ee WADDANI Md Maxamed Cali Aw Cabdi, iyo madaxda heer gobol & degmo ee Xisbiga WADDANI oo murashaxiinta iyo taageerayaal buux-dhaafiyey fagaaraha Khayriyadda Boorama kula hadlay ayaa sheegay hadii Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi faanay oo yidhi KULMIYE dhici mayo, waxaan leenahay fardo la isku hayo, maxaa la isaga faanin, shacabka Somaliland waxaan leeyahay musharaxiin wax qaban kara doorta.

Md Maxamed ayaa hadalkiisa raaciyey in Gobolka Awdal xisaabtan la’aan dawladda dhexe dayacday taalo? Taageerayaasha xisbiga waxaan leeyahay, “Doorashadii u dambaysay xisbiga KULMIYE kuma guulaysan AWDAL, imikana waxaan rajeynayaa kuma guulaysan doono. Komiishanka gobolka ama Qaranka waxaanu leenahay cadaaladda ilaaliya.”

Md Jamaal Jaamac Xaamud oo hogaanka sare ee xisbiga WADDANI ka tirsan, madax iyo musharaxiinta Xisbiga WADDANI oo shalay kala qeybgalay ololaha doorashooyinka taageerayaal buuxiyey beerta Xorriyadda Ceerigaabo ayaa kula dardaarmay inay maalinta coddeynta si xamaasad leh ugu hubiyaan inay codkooda siiyaan murashaxiinta xisbiga ee Wakiiladda iyo Deegaanka, waxaanu yidhi, “Sidaad maanta cuddudiina u muujiseen, ayaa la idinka rabaa inaad fartiina iyo kaadhkiina isula eegataan oo ugu codeysaan musharaxiinta xisbiga.”

Jamaal ayaa intaa raaciyey,” Maayarka Ceerigaabo hore ayuu xisbiga WADDANI u ahaa, imikana Idam Alle wuu soo noqonayaa, waxa inoo hadhay farta iyo codka inaad hubsiimo ugu codeysaan musharaxiinta WADDANI ee Wakiiladda & Deegaanka.”

Geesta Kale Xisbiga WADDANI oo ololaha doorashadda golayaasha deegaanka iyo Wakiilladda ku qabtay dhamaan Magaalooyinka iyo tuulooyinka dalka sida Saylac, Balli Gubadle, Sallaxley, Oodweyne, Caynaba, Ceel Afweyne ayey Murashixiinta golayaasha deegaanka iyo wakiilladu uga warameen qorshayaasha ay ku horumarinayaan magaalooyinka ay ku tartamayaan iyo sida ay wax uga bedelayaan golaha wakiilladda hadii ay guulaystaan Idam Alle..

Murashixiinta Xisbiga WADDANI ayaa ka dalbaday dadweynaha Somaliland iyo Taageerayaashoodu inay Codkooda siiyaan 31 May oo ah Maalinta ay dhacayso doorashadda isku sidkan ee golayaasha Deegaanka iyo Wakiillada iyagoo balanqaaday inay si daacadnimo iyo waddaninimo leh ugu adeegi doonaan dalkooda iyo dadkooda.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

 

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com