SOMALILAND: Madaxweyne Biixi Oo Derejo Ku Taxay 253-Sarkaal

Mandheera (Hayaannews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta  tabobar usoo xidhay 253 (Laba boqol iyo saddex iyo konton) sarkaal oo ka kala tirsan Ciidamada Booliska, Laanta socdaalka iyo ilaalada xeebaha, kuwaas oo dhammaystay tabobar layli sarkaalnimo ah.

Munaasibadda tabobarkan oo lagu qabtay gudaha Dugsiga tabobarka ciidanka ee Mandheera, ayaa waxa Madaxweynaha kala qaybgalay xubno kamid ah Golaha Wasiirrada, xildhibaanno, Taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee dalka, macallimiinta dugsiga, saraakiisha qalinjebinaysay iyo marti-sharaf kale, waxana goobta lagu bogaadiyey saraakiisha qalinjebisay iyo macallimiinta ku tacabtayba.

Ugu horrayn waxa madasha ka hadlay saraakiil sarsare oo katirsan macallimiinta dugsiga Mandheera iyo madaxda Booliska u qaabilsan dhinaca tabobarrada, ayaa ku dheeraaday marxaladihii ay soo mareen saraakiisha Shalay kulliyadda ka qalinjebiyey ee derejooyinka loo xidhay, waxaanay bogaadiyey dhallinyarada qalinjebisay oo ay ku tilmaameen mustaqbalkii ciidamada kala duwan ee dalka.

Taliyeyaasha Ciidamada JSL, Taliyaha Ciidanka Booliska, Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), Militeriga, Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, Taliyaha Ilaalada Xeebaha Sarreeyo Guuto Maxamed Xuseen Xiirane iyo Taliyaha Ciidanka Laanta Socdaalka Sarreeye Guuto Maxamed Cismaan Caalin (Dayib) oo halkaas ka hadlay, ayaa si isku mid ah u bogaadiyey saraakiisha dhallinyarada ah ee shalay ka qalinjebiyey kulliyadda tabobarka, waxaanay usoo jeediyeen inay aqoonta ay barteen uga faa’iideeyaan shaqada ay bulshadooda u hayaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo munaasibadda ka hadlay, ayaa hambalyeeyey saraakiisha dhallinta yar ee qalinjebiyey, waxaana uu tilmaamay in Qaranku wakhti badan geliyey sidii ay halkan usoo gaadhi lahaayeen, una yeelan lahaayeen quruxda derejooyinka garbahooda ku taxan.

Madaxweynaha Jamhuuriayadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda soo gunaanaday, ayaa si kal iyo laab ah u bogaadiyey dhallinyarada saraakiisha ah ee shalay qalinjebisay, isaga oo si gaar ah u ammaanay hablaha ka mid noqday saraakiisha dallacday oo uu ku sifeeyey kuwo ka dedaal badan ragga oo isa soo saaray.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu Saraakiisha qalinjebisay usoo jeediyey inay guntadaan waanada iyo wax-sheegga taliyeyaashoodu ujeediyeen, isaga oo ku hambalyeeyey inay gaadheen hammigoodii ciidanka, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Aad iyo Aad baan idiin hambalyeynayaa, wixii dardaaran, duco iyo waano la idin siiyey, Alle ha idinku anfacee idinkuna guntada, hablaha kasoo qaybgalay tabobarkana waan hambalyeynayaa.”

Madaxweyne Muuse ayaa sheegay in hablahu ku soo dhiiranayaan ciidamada, isagoo sheegay in toban sannadood horteed ama lix sannadood horteed inay dhib ku ahayd hablaha ciidanka iyo arrimahooda, laakiin shalay hablaha ayaa safafka hore soo galay.

“Waxaan mar labaad u duceynayaa oo u mahadcelinayaa Dhamme Axmed Iimaan Cilmi (Tima-jilic), oo kontonkii sannadood ee u dambeeyey wax tababarayey, waxa Ilaahay mahadii ah in Janannada halkan fadhiya qaarkood uu isagu soo tababaray, isagoo AHN Mahdi Cali Awaare la socda ayaan garanayaa, oo dad badan wax soo baray. Qaranka ayaad u shaqeysay, waanu kuu ogyahay.”

Ugu dambayntii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu derejooyinkii ay xaqa u lahaayeen ku taxay saraakiisha dhallinyarada ah ee ka qalinjebiyey kulliyadda Mandheera, kuwaas oo isugu jira Rag iyo Hablo, islamarkaana qaatay derejooyin kala ah Xiddig iyo laba xiddigood.