SOMALILAND: Madaxweyne Biixi Oo Ku Sifeeyey Taliyihii Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Khabiir Aqoon U Leh Arrimaha Ciidamada, Door Muhiimana Ka qaatay Dhismahooda.

Hargeysa (Hayaannews): Alle ha u naxariiste Taliyihii Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Somaliland ayaa maanta ku geeriyooday Cusbitaalka International ee Magaalada Hargeysa.

Marxuumka ayaa xaalad caafimaad u jiifay Cisbitaalka International-ka ee magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ciidanka qaranka Somaliland, gaar ahaan ciidanka ilaalada Madaxtooyada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Gashaanle Sare Muuse Cilmi Faarax oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 25/02/2022, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey khabiir aqoon dheer u leh arrimaha ciidamada oo ka baxay dalka iyo dadka door muhiimana ku lahaa, dhismaha Ciidamada Qaranka Somaliland, xilal kala duwana ka soo qabtay, hadda oo uu geeriyoodayna ahaa taliyaha guud ee ciidanka ilaalada Madaxtooyada Jmahuuriyadda Somaliland.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Ciidamada Qaranka Somaliland, Madaxtooyada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com