SOMALILAND: Madaxweyne Biixi Oo Wareegto Ku madax-baneeyey Kharashaadka Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka

Hargeysa (Hayaannews)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto uu maanta soo saaray ku madax-bannaaneeyey kharaashaadka xafiiska Imtixaanka Qaranka oo markii hore hoostagi jiray Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

Wareegtada uu madaxweynaha Somaliland oo ku taariikheysan 31/01/2022, kuna socodsiiyey Wasiirrada Wasaaradaha Maaliyadda iyo Waxbarashada, waxa uu madaxweynuhu go’aanka uu ku madax-baneeyey miisaaniyadda xafiiska imtixaannaadka u cuskaday qoraal talo-bixin ah oo ay madaxweynaha si wada-jir ah ugu direen Hanti-dhowraha iyo Xiisaabiyaha Guud ee Qaranka

wareegtada Madaxweynaha Somaliland uu soo saaray oo ay heshay Shabakada Wararka ee #Hayaannews ayaa u qornayd sidan:- “Anigoo tix-raacaya qoraalka talo-bixinta ah ee summaddiisu tahay WDJ/HGQ/XGQ/11-2021, kuna taariikhaysan 21/1 1/2021,  kaas oo Si wada jir ah uga soo baxay Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka iyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Qaranka.

Anigoo ka duulaya Xeerka Waxbarashada Qaranka, Xeer Lr. 77/2018, Qodobkiisa 53aad, isla markaana eegaya muhimadda uu Xafiiska Imtixaanaadka Qaranku ugu fadhiyo Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan idin farayaa in Xafiiska Imtixaanaadka Qaranku u madax-bannaanaado kharashyada kala duwan ee ku baxa imtixaanaadka, iyadoo loo raacayo Qodobbada hoos ku xusan:

 

1) In Xafiiska Imtixaanaadku u madax-bannaanaado dhammaan Imtixaanaadka sida ka Miisaaniyadda Qaranka iyo ka laga helo deeq-bixiyayaasha, iyadoo Si toosa loo gala xisaabtamayo Masuuliyiinta xafiiskaas.

2) In Xafiiska Xisaabaadku ku bixiyo kharashkaas si dib-u-soo-daboolid ah (Impress).

3) In Xafiiska Imtixaanaadku Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska soo mariyo Xisaab-celinta Kharashka Dib-u-soo-daboolidda (Impress) ee hore loo siiyay, Wasaaradduna U gudbiso Xafiiska Xisaabaadka Guud ee Qaranka si loogu lifaaqo xaashida lacag bixinta.

4) In Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadku magacaabo Xisaabiye iyo Khasnaji masuul ka noqda diyaarinta qoraallada (Document) xisaabeed, isla markaana kharashka ay wada-saxeexaan guddoomiyaha iyo xisaabiyaha.

5) In kharashaadka kale, sida mushaharka shaqaalaha, ay sidii hore Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku u maamusho.” Sidaas ayuu madaxweynuhu ku sheegay wareegtada uu ku madax-banneeyey kharashaadka Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com