#SOMALILAND: Madaxweyne Muuse Biixi Oo Qaabilay Taliyeyaasha Ciidammada Ethiopia iyo Jabuuti

Hargeysa (Hayaannews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay wufuud kala duwan oo taliyeyaal ciidan u badan oo ka socday dalalka jaarka ee Ethiopia iyo Jibuuti, kuwaas oo dalka u yimi ka qaybgalka sannad-guurada 28-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaska ciidanka qaranka Somaliland.

Wufuudda ka timi dalalka Jabbuuti iyo Itoobiya oo ay hoggaaminayaan saraakiisha ugu sarraysa ciidamada kala duwan ee labada dal, ayey ujeeddadiisu ahayd sidii uu madaxweynuhu saraakiisha ugaga mahadnaqi lahaa sida ay usoo sharfeen qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee ay uga soo qaybgaleen munaasibadda sannad-guurada ciidanka qaranka.

Dhankooda, Waftiga saraakiisha ah ee ka kala socda dalalka Jabbuuti iyo Itoobiya, ayaa madaxweynaha ugaga mahadnaqay sida milgaha leh ee uu usoo dhaweeyey, waxana ay tilmaameen soo dhaweyntu tahay astaan ay caan ku yihiin bulshada reer Somaliland.

Wufuudda ka timi dalalka deriska waxa ayaa ka kala kooban Taliye-ku-xigeenka ciidanka  militeriga dalka Jabuuti General  Daahir Cali Maxamed oo ay wehelinayaan taliyeyaasha ciidamada Booliska, Kornayl Cabdilaahi Cabdi Faarax madaxtooyada, Kornayl Maxamed Jaamac Ducaale, ilaalada xeebaha iyo cirka, Kornayl Wacays Cumar Boqore, wefti ka socda dalka Ethiopia oo uu hoggaaminayo, hoggaanka guud ee nabadgelyada  ciidanka Ethiopia  General. Burhan Bekel, kuna wehelinayaan taliyaha Leyuu Booliska dawlad-deegaanka Soomaalida, General Maxamed Xaaji iyo saraakiil kale.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com