SOMALILAND: Maxkamadda Gobolka Maroodijeex Oo Xalaaleysay Natiijada Doorashada Golaha Deegaanka Ee Degmada Hargeysa

Hargeysa(Hayaannews): Maxkamadda gobolka Maroodijeex ayaa maanta si rasmiya u ansixisay natiijada guddida doorashooyinka ee golaha degaanka ee degmada Hargeysa, waxaana ansixinta maxkamadda goob joog ka ahaa masuuliyiinta gobolka Marooijeex, saraakiil ka socday saddexda xisbi Qaran, taliyaha ciidanka booliska ee Somaliland, iyo mudanayaasha golaha degaanka ee la doortay.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Maroodijeex Cabdi Qawdhan Cabdi, oo fadhiga maxkamadda furay waxaa uu sheegay in aanay jirin wax dacwad doorasho ah oo soo gaadhay maxkamadda gobolka isla markaana waafaqsan sharciga.

Sidoo kale guddoomiyuhu waxaa uu si rasmiya ugu dhawaaqay ansixinta natiijada hor dhaca ahayd ee guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland, u soo gudbiyeen maxkamadda, iyada maxkmadduna mid mid u dhaarisay toddoba iyo tobanka xubnood ee noqonaya golaha degaanka ee degmada Hargeysa.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com