#SOMALILAND: Maxkamadda Sare Oo Qaraar ka Soo Saartay Xeerarka Doorashooyinka ee Madaxweyne Biixi dhowaan u gudbiyey.

Hargeysa (Hayaannews)- Maxkamadda Sare ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay go’aan ka soo saartay Dacwad Dastuuri ah oo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku usoo gudbiyey isaga oo tixraacaya qoraal madaxweynaha Somaliland u gudbiyey.

Dacwada Maxkamadda Sare go’aanka ka soo saartay, ayaa nuxurkeedu ku saabsanaa  Wax-ka-bedel iyo Kaabis lagu Sameeyey Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diwaangalinta Codbixiyaasha Xeer Lr 91/2023.

Go’aanka Maxkamadda Sare kaga bogo halkan