SOMALILAND: Maxkamadda Sarre Oo Wax-ka-beddel Ku Sameysay Qiimaha Magta

Hargeysa (Hayaannews) Maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxay soo saartay wareegto u-jeedadeedu ku saabsanayd wax ka beddel ay ku sameysay qiimaha Magta, Qoomaha iyo Meherka dumarka ee dacwadaha Maxkamaddaha soo gala.

Wareegtadaasi ay soo saartay Maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakada Hayaannews waxa ay u dhignayd sidan:-

“Dilka, dhaawaca ama qoonta badheedhka ah waxa lagu kala qaadanayaa qiimo ah hashiiba 3,500,000 (Saddex milyan iyo shan boqol oo kun oo shilin Somaliland ah).

Dilka, dhaawaca ama qoonta aan badheedhka ahayn ee kama sida shilalka Baabuurta iyo wixii la mid ah ee maqaadiir ah waxaa lagu kala qaadanayaa qiimo ah hashiiba 2,500,000 (Laba milyan iyo shan boqol oo kun oo shilin Somaliland ah).

Meherka dumarka waxaa lagu kala qaadanayaa qiimo ah hashiiba 3,500,000 (Saddex milyan iyo shan boqol oo kun oo shilin Somaliland ah). Wareegtadan waxaa ka baxsan wixii ay dhinacyadu dibadda kaga soo heshiiyaan.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com