SOMALILAND Oo Jawaab Adag Ka Bixisay Eedo Ka Soo Yeedhay Soomaaliya

Hargeysa (Hayaannews) Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa jawaab adag ka bixisay hadal ka soo yeedhay wasiirka arrimaha debadda ee dawladda aan iskeed isku maamuli Karin ee Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta caafimaadka Libaan Yuusuf Gaaxnuug ayaa ka hadlay qoraal ay baahisay wasaaradda arrimaha debadda oo ay kaga soo horjeeday dooda barlamaanka UK ka yeesheen qadiyada Ictiraafka Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiir Libaan ayaa sheegay in qoraalka wayda ah ee kasoo baxay Soomaaliya uu muujinaayo nacaybka ay u qabaan shacabka iyo dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, waxana uu ydihi , “Qoraalka wayda ah ee dawladda Somalia ka soo saartay dooda baarlamaanka dalka UK ka yeelan donaan Qadiyadda Madaxbanaanida Jamhuuriyada somaliland waxa uu inoo iftiiminayaa laba Arimood , Culayska uu leeyahay talabaadda uu qaaday Baarlamaanka UK Iyo in ay Dawldda Soomaaliya tahay Cadowga kobaad ee lidka ku ah jiritaanka iyo Madaxbanaanidda Somaliland.

Reer Somaliland waa inay xiligan oo kale Midnimo iyo Feejignaan muujiyaa”

Dhinaca kale Xildhibaan Barkhad Baatuun oo ka mid mudanaaysha golaha wakiillada ayaa ka falceliyey hadalka kasoo yeedhay wasiirka arrimaha debadda Soomaaliya, waxana uu yidhi “Somaliland socotay, duniduna waxa ay ka doodaysa doorashooyinkeedi mucjisada ahaa, dimuquraaddiyada ka hana qaaday iyo dareenka dadkoodu ku rabaan ictiraaf ay caalamka ka helaan. Adiga iyo Xukumaddaada uma taalo xasarad iyo xadgudub aad u geysaneysaan xuquuqda Somaliland caalamka ku leedahay, laakiin waxa idinla gudboon inaad xasiloonida Xamar ka shaqeysaan oo aad ilaalisaan nafaha qaaliga ah ee shacabka sharafta lehe cashuurtooda huteellada ku cuntaan ee aan adeeg dawladdeed iyo Amni taam ah idinka hellin.”

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com