SOMALILAND Oo Ka Hadashay Dhibaatada Baraha Bulshada (SOCIAL MEDIA), Iyo Xeer Lagu Xakamaynayo Oo Xukuumaddu Waddo.

“Baraha Bulshadu (Social Media) Waa Waxa Dalka Khal-khaliyay,Adduunkana Dhib Ku Haya” Wasiir Saleebaan Cali-KOORE

Hargeysa(#Hayaannews): Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Saleebaan Cali Koore, ayaa ugu baaqay shacabka reer Somaliland inaanay rumeysan waxa lagu soo qoro baraha bulshada (#Social_Media), isaga oo ku tilmamay inay adduunka dhib weyn ku hayaan, isla markaana dalka khal-khalgeliyeen.

Wasiir Koore waxa uu sidaa ku sheegay mar uu maanta ka hadlayay ‘Kulanka wada-tashiga Wasaaraddaha iyo hay’adaha dawladda ee wacyi-gelinta heer qaran’ oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa.

Mar uu ka hadlayay Koore muhiimadda ay qaranka u leedahay Wacyigelintu, ayaa waxa uu yidhi“Umadda reer Somaliland si weyn ayay ugu baahan tahay in waaxda iyo wacyi-gelinta qaranka guud ahaan la xoojiyo,…waa wax maskaxdeena ka soo wada burqanaya in loo baahan yahay”

KOORE ayaa waxa uu barasha bulshada ku tilmaamay waxyaabaha lagu soo qoro inaan lagu kal-soonaan Karin,waxaanu yidhi “Baraha Bulshadu (Social Media) waa waxa dalka khal-khaliyay, oo adduunkana dhib ku haya, oo aan lahayn masuuliyad loo raaco, iyo xogtiisa meesha laga raadinayo oo aan si dhib yar loo helin,ama dad baddan oo fikirkoodu  masuuliyaddi saarnayn ay waxay doonaan ku qorayaan, Dad ayay isku dirayaan, waxay doonaan ayey ku hadlayaan, wax beena (Fake) ayay sheegayaan, wax laga yaaba inay dad ay hor ILAAHAY u akhristaan oo run u qaataan”.

Sidoo Kale, Wasiir Koore waxa uu ka hadlay sheegay sugnaanshiyaha wararka ay baahiyaan hay’adaha war-baahineed oo tix-raaca leh “Haddii TV war sii daayo, Ama Jariiradii wax qorto, ama Idaacadii hadasho, waxay leedahay tix-raac lagala xidhiidhayo khaladka ay gasho”.Ayuu yidhi.

“Umadda reer Somaliland waxaan leeyahay baraha bulshada (Social Media) waxa lagu soo qoraa run xaqiiqa  maaha. Qofkasta oo wax qoraa ama Meesha (Social Media) wax soo dhigaa macnaheedu maaha inuu run sheegayo”. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Waxaynu u baahanay inaynu noqono umad garaadkeedu koray, Waxaynu rabnaa inaynu noqono umad la jaan-qaada umadaha kale ee maanta jira,Afrika, Geeska Afrika iyo caalamka-ba.Waxaynu nahay dal aan weli la aqoonsan”.Ayuu yidhi Wasiir Saleebaan-KOORE.

Wasiir Koore waxa uu ku dooday in wahtigan umadda Reer Somaliland lagu soo dhex-dhuumankaro, waxaanu yidhi:“Somaliland intii aan joogay waxaan ku garanayay dad garan-kara qofka cadowga ku ah, iyo qofka nasteexa u ah kala garta, Laakin imika waxaad mooda in lagu soo dhex-dhuumaankaro marka la eego sida loo kicinayo iyo sida loo isticmaalayo, iyo sida caqligeena loo caayayo”.

Hadalkan ayaa waxa uu ku soo beegmay, iyada oo Xukuumadda Somaliland wakhtigan ay wado xeerka Anshaxa  baraha bulshada (Social Media), kaas oo la bilaabay, kadib markii sida ay xukuumaddu sheegtay dad u-jeedooyin lihi kacdoono ay ka bilaabeen baraha bulshada, gaar ahaan FACEBOOK-ga.

#Mustafe_Jannaale

 Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com