Somaliland Oo Ka Jawaabay  Hadal Ka Soo Yeedhay Wasiirka Maaliyadda Jabuuti

“Waa in la ixtiraama madax-banaanida iyo dawladnimada Somaliland, oo hawlaheeda faraha looga qaadaa” Dr. Ciise Kayd

Hareysa(Hayaannews):Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga Somaliland Dr. Ciise Kayd Mohamuud ayaa si adag uga jawaabay qoraal uu bartiisa Twitter-ka ku soo daabacay wasiirka Maaliyadda ee Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale,kaas uu ku sheegayey in saddex wasiir Maaliyadeed ee Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya ay ka wada shaqaynayaan sidii muwaacimo deg dega loogu raadin lahaa suuqi dhowaan shuf beelay ee WAAHEEN.

Dr Ciise Kayd ayaa sheegay in Somaliland mar horeba la xidiidhay cid kasta oo gacan ka geysan karta aafada suuqa Waaheen.

Wasiirka Ciise Kayd ayaa wasiirrada is xil qaamay ku booriyey inay ixtiramaan madaxbannanida iyo dawladnimada Somaliland.Taas oo ka dhigan in aanay qaadhaan u raadin karin ee Somaliland loo daayo hawlaheeda.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeisa, Somaliland

Mustafe-Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com