SOMALILAND Oo Si Weyn Looga Debaal-degay Xuska 31-Guurada Maalinta Qaranimada Iyo Wacdarihii Madasha Ka Dhacay

Hargeysa (Hayaannews): – Xuska sannnad-guuradii 31aad ee ka soo wareegtay markii Somaliland xornimadii ka luntay dib ula soo noqotay 18-kii May 1991-kii ayaa maanta si weyn looga xusay Gobolada iyo degmooyinka Somaliland.

Munaasibadii loo sameeyey Xuska debaal-dega maalinta qaranimada Somaliland oo saaka lagu qabtay fagaaraha Beerta xorriyada Somaliland ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qeybgalay, Shirgudoonka Labada Golle Baarlamaan Guurtida Iyo Wakiillada, Wasiiro, Xildhibaano, Aqoonyahano, Dhalinyaro, Haween iyo wufuud ka kala timi qaar ka mida waddamada aynu jaarka nahay, marti Sharaf kale oo tiro baddan.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo saraakiil kale, ayaa bulshada kula dabaal dagay Hargeysa, madaxweynaha ayaa ka sheekeeyay waxa sababay in Somaliland ay ka noqoto midowgii, isagoo sheegay in cadaalad daro iyo cadaadis ay shacabka Somaliland kala kulmeen midowgii.Waxaanu yidhi.”Markii ay Somaliland tidhi shuruud la’aan ayaanu idinkula midownay, waxay yidhaahdeen madaxweynaha koonfur baa leh, ra’iisal wasaarahana anaga ayaa leh, wasiirka arrimaha dibadda anaga ayaa leh, wasiirka arrimaha gudahan-na anaga ayaa leh, wasiirka maaliyadana anaga ayaa leh, caasimadu waa Xamar, dekeddu waa Xamar, labadaba taliye ciidan anaga leh”

Sidoo kale waxa uu sheegay in Somaliland la siiyay 3 wasiir oo kali ah, xiligii ay dawladda Soomaaliya la midoobeen.

Madaxweynaha ayaa xusay in 30 kii sanno ee ay jirtay dowladii Soomaalidu laga faa’iiday burbur iyo isnac, waxa oo uu sheegay in marka laga yimaado dagaalkii u dhexeeyay SNM iyo dowladii Kacaanka, dhibaatooyinka Somaliland soo gaadhay ay kamid ahaayeen labadii dagaal ee lala galay Itoobiya oo si gaara saamayn taban ugu yeeshay Somaliland.

Gobollada kale ee Somaliland iyo degmooyinka ayaa sidoo kale looga dabaal dagay munaasibada. Munaasibadan ayaa aad uga balaadhnayd munaasibadihii hore iyadoo dabaal degyadu ay bilaabmeen ku dhawaad 10 cisho kahor 18 May.