SOMALILAND: Taliyaha Booliska oo u Digay Dadka Dhaliila Ciidanka

Hargeysa (Hayaannews)  Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi ayaa u hanjabay dadka dhaliila qaabka ay shaqadooda u qabtaan ciidanku xilliga ay ku jiraan hawlgallada .

Taliye Dabagale ayaa ku goodiyey in ay talaabo ka qaadi doonan dadka ku foogaan ka hadalka arrimaha ciidanka ”kuwa booliska dhaliilaya ee caayaya ee ujeedooyinka kale leh laga yeeli mayo taas, ciidanku khalad wuu geli karaa, wanan gelaynaa, waxaan keenaysa shaqada la hayo “ ayuu yidhi

Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (dabagale) waxa uu sheegay in ciidamada Boolisku ay leeyihiin xeerar lagu ciqaabo askariga khaladka gala islamrkaana ay hore talaabooyin uga qaadeen haddana ay ka qaadayaan askriga ku kacay fal khalad ah.

Hadalka taliyaha ayaa kusoo beegmayaa xilli uu guddoomiyaha Xisbiga UCID isaga ku dhaliilay in uu musharixiinta ula dhaqmayo sidi argagixisada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com