#SOMALILAND: Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo Shaacisay Waqtiga ay Furmayaan Horyaallada Saddex Gobol

Hargeysa(Hayaannews): Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland ayaa maanta shaacisay xilliga ay bilaabmayaan horyaallada qaar ka mid ah gobollada Somaliland.
War-saxaafaddeed ka soo baxay xafiiska Agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Cabdirashiid Caydiid Yaasiin ayaa lagu sheegay in gobollada Maroodi-jeex, Saaxil iyo Sool.
Halkan kaga bogo xilliyada rasmiga ah ee horyaallada gobollada Maroodi-jeex, Saaxil & Sool ay furmayaan waa sidatan hoosku xusan;
Maroodijeex (Super Cup 24/02/22)
Maroodijeex (Horyaalka Heerka 3aad 25/02/22)
Maroodijeex (Capital League 28/02/22)
Sool (Heerka 1aad – 17/02/22)
Sool (Heerka 2aad – 17/02/22)
Saaxil (Heer 1aad – (14/02/22)
Saaxil (Heer 1aad – (14/02/22)
Waxaan dhamaan Naadiyada tartamdaas ka qayb galaya ee gobalada kor ku xusan ka rajaynaynaa inay si wayn isu diyaarinayaan.
Wixii warbixin dheeraad ah ee ay Naadiyadu u baahdaan waxay kala xidhiidhayaan Xafiiska Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland


Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.
#Hayaannews, Office
Hargeysa, Somaliland
EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com