SOMALILAND: Wasiirka Khaarajiga Oo Sharraxay Kulan Hordhac Ah Oo Dhex Maray Madaxweyne Muuse iyo Raysal-wasaaraha Itoobiya

Hargeysa (Hayaannews)- Wasiirka arrimaha dibada Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud Raagsaalle oo ka mida weftiga Madaxweynaha JSL ee ku sugan Magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya, ayaa faah-faahin ka bixiyey u-jeeddada safarka weftigaasi iyo kulan dhex maray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Raysal-wasaare Abiy Axmed.

Dr Ciise Kayd Maxamuud oo shalay gelinkii dambe waraysi siiyey laanta afka Soomaaliga ee Idaacada BBC-da, ayaa sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaamay maqaal uu qoray suxufi Maraykan ah oo sheegay inay Itoobiya diyaarinayso qorshe ay kula wareegayso Dekedda Saylac ee Somaliland, arrintaasoo abuurtay hadal hayn gudaha iyo dibadaba saamaysay oo xaasaasi ah.

Waxa kale oo uu ka warbixiyey kulan dhex maray labada hogaamiye ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali.

ugu horayn wasiir Kayd oo ka jawaabay su’aal laga waydiiyey ujeeddada socdaalka iyo waxa xilligan ku soo beegay ayaa yidhi “Safarkani wuxuu ku yimi martiqaad rasmi ah oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ka helay raysal-wasaaraha dalka Itoobiya, waxa xilligan ku soo beegay Somaliland waxay ku jirtay doorashooyin bilihii la soo dhaafay, Itoobiyana waa tii dagaalo ka dhacayeen, markaa wakhtigan ayuunbaa noqday xilligii ugu haboonaa”

Wasiirku isagoo ka hadlaya waxyaabaha ay ka wada hadleen madaxweynaha iyo reysalwasaaruhu waxa uu sheegay in ajandaha kulanku ahaa qodobo ku jaan-go’an xidhiidhka laba waddan.

“Waxaanu ka wada hadalnay danaha labada dal ka dhexeeya, sida wax isweydaarsiga, waxaanu ka wada hadalnay nabad-gelyada mandaqada, waxaanu ka wada hadalnay Dekedda Berbera isticmaalkeeda iyo tababaro iyo deeqo waxbarasho oo ay Itoobiya na siinayso”

Dr. Kayd oo su’aal laga waydiiyey inay madaxda labada dal isla soo qaadeen wax ku saabsan dagaalka ka socda gudaha Itoobiya iyo sidoo kale inay wax iska bedeleen mowqifka somaliland ee ku wajahan xaalada dalkaasi waxa uu ku jawaabay;-

“Wax alle wax ka jira ma jiraan, annagu mowqifkaygii ayaanu ka taaganahay dagaalada ka socda dalkaasi, waa wax dhexdeeda ah. Itoobiya gudaheeda waxa ka socda labada dhinac ee ay ka dhaxayso inay ka heshiiyaan ayaanu annagu jecelnahay, laakiinse wax na khuseeya maaha”

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland, waxa kale oo uu arragti shakhsi ah iyo qadiyad waxba kama jiraan ah ku tilmaamay maqaal uu horaantii bishan qoray saxafi/falanqeeye la yidhaahdo Michael Rubin oo warbaahinta caalamka lagu baahiyey 05/01/2022, maqaalkaasi oo uu ku sheegay inay Itoobiya diyaarinayso dagaal ay ku soo qaado Somaliland, si ay u qabsato Dekedda Saylac.

Wasiirku waxa uu cadeeyey in aanu jirin wax tuhun ah oo arrintaasi la xidhiidha oo ay dawlad ahaan qabaan “Arrinta Dekedda Saylac waa arragti uu qoray Nin Weriye ah, wax allaale wax ka jiraa ma jiraan, arrin aan xaqiiqo ahayn”ayuu yidhi Wasiir Kayd.

Weftiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayey booqasho rasmi ah maalintii shalay uga bilaabantay dalkaasi.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com