SOMALILAND: Wasiirka Maaliyadda Oo Hor-tagay Guddida Dhaqaalaha Wakiillada

Hargeysa (Hayaannews)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo ay weheliyaan Wasiir Xigeenka Wasaaradda Md. Muuse Ibraahim Yuusuf iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md. Maxamed Cabdi Gurxan ayaa maanta hortagay Gudi Hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada JSL.

Masuuliyiinta sarsare ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa Gudida uga xog waramay guud ahaan arimaha Maaliyadda, gaar ahaana odoroska miisaaniyaddan sannadka 2021-ka oo hadda hor taalla Golaha, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda Goluhu guda-gali doono meelmarinteeda.

Dr. Sacad Cali Shire oo kulan kaasi ka dib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ka wada hadleen Gudida Dhaqaalaha odoroska Misaaniyadda 2020 ee hortaala Golaha Wakiilada, isla markaana ay isku afgarteen waxyaabihii ay ka Wadahadleen

Wasiir Sacad oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa aanu kulan la yeelanay gudida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada waxaana uu ka mid yahay oo uu dabo socdaa geedi socodka Diyaarinta Misaaniyadda Sannadka 2020, waxaana kulani ahaa soo jeedimo iyo talooyin si fiican ayaana isku afgaranay oo aanu u soo dhawaynay talooyinkaas. Wadashaqayn ayaana naga dhaxaysa gudida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada”.

Sidoo kale Guddoomiye ku Xigeenka Gudida Dhaqaalaha Golaha Wakiilada Maxamuud Axmed Obsiiye oo isaguna ka hadlay kulankan ay la yeesheen Wasiirka Maaliyadda ayaa Sheegay in Dhaqaalaha dalku wanaagsan yahay, waxaanu yidhi “Misaaniyadihii nasoo marayay waa Misaaniyadii ugu horaysay ee lagu soo daro Miisaaniyadda Dawladaha Hoose, waxyaabaha aanu ku amaanay Misaaniyadda waxa ka mida iyadoo duruufaha dalka ka jira oo uu ka mid yahay Xanuunka safmarka ee Covid 19 oo hoos dhac ku keenay Dhaqaalaha aduunku jiro, “Ododrska Misaaniyadda waxay tilmaamaysaa korodh guud oo ay dadaaleen waxaana aanu ku dhirigalinay in ay ku dadaalaan in ka badan dakhli ururintu ka sii fiicnaato, sidan imika tahay waxa aan is, leeyahay majirto Maalin aynu ka Wanaaagsahay Dhaqaalaha iyo Misaaniyadda”.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com