“Somaliland Weligeed Kamuu Dhicin Oo Way Ka Caagan Tahay Falalka Budhcad Baddeeda” Wasiir Cali Mareexan

Waiir Cali Mareexaan-Hayaannews 1

Hargeysa(Hayaannews):-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta, ahna Afhayeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland,Md. Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa sheegay in Somaliland ay xor ka tahay islamarkaana  ka caagan tahay budhcad baddeeda ka jirta Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu ka hadlay kala duwanaanshaha Somaliland iyo Soomaaliya ee arrinta budhcad baddeeda.

“Meel kasta oo aad  ka tagto adduunka Soomaaliya waxa loo yaqaanaa meeshii budhcad baddeeda,” ayuu Wasiir Cali Xasan ku yidhi qoraal kooban oo uu ku baahiyay bartiisa X (Twitter), isagoo dabo- socday war ciwaankiisu ahaa “Markabkii budhcad baddeeda Soomaalidu qabsatay oo gaadhay Hindiya si loo baadho afduubkiisii” oo uu qoray Telefishanka Aljazeera qaybtiisa Ingiriisidu.

Wasiirka Warfaafintu wuxuu sheegay in aanu weligeed Jamhuuriyadda Somaliland ka dhicin fal budhcad baddeed iyo noocnaba qaska budhcad baddeedu ka geysatay  Soomaaliya oo kale, waxaannu yidhi “Marka aan joogo Jamhuuriyadda Somaliland way ka caagan tahay  falalka budhcad baddeednimada iyo nooc kasta oo facaa’ilka budhcad baddeednimada Soomaaliya laga geystay  oo kale ah.”

Wasiirku wuxuu ku dooday in dhegxumada iyo ceebta facaa’ilka ka dhacay Soomaaliya uu wax u dhimay sumcadii Soomaalida oo dhan.

“Arrintan budhcad baddeeda oo kale haddii aanu nahay muwaadiniinta Somaliland sidee ayaanu magacayaga uga saarnaa xumaanta iyo cuqdada laga qabo badhcad baddeeda Soomaaliya,” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland.

Waiir Cali Mareexaan-Hayaannews 1

#Hayaannews, Office

Hargeysa,Somaliland