SOMALILAND: Xaflad Il-Yartu Is-qabatay Oo Lagu Daah-Furay Buug La Magac Baxay “BUUGA XOGTA SOMALILAND” Iyo Khudbadihii Madasha Laga Jeediyay.

Hargeysa (Hayaannews): Buug laga qorey Taariikhda Faca-weyne ee Jamhuuriyadda Somaliland oo la yidhaahdo “Buuga Xogta Somaliland”, ayaa maanta loo sameeyey Xaflad lagu gar-daadinayay.

Munaasibadii loo sameeyey daah-furka buuga taariikhda Somaliland oo ayaa waxa ka soo qeybgalay Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Warfaafinta Saleebaan Cali “KOORE”,Wasiirka Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shirre, Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland ahna Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Arrimaha Dibada Liibaan Yuusuf Gadhle,Wasiirka Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi Badde, Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka Cabdilaahi Abokor, Iyo  Ambassador Edna Aaden Ismaaciil, Wasiirka Biyaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, qaar ka mida Ambassadors-ka dalka jooga, Saraakiil ka socotay Safaarada dalka Taiwan iyo Marti Sharaf kale oo tiro baddan.

Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ahna Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland Md. Liibaan Yuusuf Gadhle oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Mudanayaal iyo Marwooyin waxay maanta isugu nimi inaynu si wada-jira u daah-furno Buug xanbaarsan Xogta qaranka Somaliland “Country Profile, oo in muddo ah ay Wasaaradda Arrimaha dibada Jamhuuriyadda Somaliland ka shaqeynaysay. Macluumadda iyo xogta qaranku waxay noqonaysa tii ugu horeysay ee ay si waadixa ay dawladu u soo bandhigtay”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Buugani waa CV-gii qaranka Somaliland waxa uu iibin doona xogta qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Ujeeddada waxa weeyaan in la helo xog sun oo ay Somaliland leedahay, oo burisa xogaha beenta ee Somaliland laga fidiyo ama Saxaafaddii ka fidiso ama cadowga Somaliland ka fidiyo”.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cai Shire ayaa sheegay inay Sharaf u tahay inuu ka soo qeybgalo buugaan Xog-sidaha Somaliland, “Waan ku hambalyeynayaa Wasaaradda Arrimaha Dibada tacabka baddan ee ay galiyeen Buugaan Xog-sidaha Somaliland. Tacab baddan ayaynu gelinay soo saaristiisa waxa inoo hadhay inaynu tacab baddan gelino fidintiisa. Buugaan iyo Xogtiisa cidda aynu gaadhsiinaynaa waa dadka reer Somaliland, si aynu dadkeena u gaadhsiino waa inaynu u bedelno Af-Soomaali,

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta magaaladda Hargeysa ka daah-furay bandhiga buug ka hadlaya taariikhda faca-weyn ee dalka Somaliland.

Buuggan oo loogu talo-galay in la gaadhsiiyo daafaha dunida si bulshadda caalamka loo baro taariikhda dalkan Somaliland, ayaa waxa muhiimaddiisa ka waramay xubno ka socday golaha wasiiradda islamarkaana soo jeediyay tallooyin dhaxal-gal ah oo buuggan lagu faafinayo.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo hadal ka jeediyay bandhigaasi ayaa yidhi “Waxaan ku faraxsanahay in aan furo buuggan xogta qaranka Somaliland lagu soo ururiyay, buuggan dadaal weyn ayaa loo galay, waana ku hambalyaynayaa wasaaradda arrimaha dibadda inay soo bandhigto buuggan, dhammaanteena waa inoo sharaf, waxaan dhammaan shacbigana la wadaagaynaa in buuggani yahay buugga rasmiga ah ee xogta qaranka Somaliland” ayuu yidhi Saylici.

Waxa kale oo Munaasibadaasi ka hadlay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Saleebaan Cali Koore, Ambasador Edna Aaden iyo Marti Sharaf kale oo tiro baddan,kuwaas oo dhammaantood si isku mida u sheegay inay u faraxsan yihiin inay goob-joog ka noqdaan Daah-furka Buuga Xogta Somaliland “Country Profile”

HALKAN HOOSE KA DAAWO

 

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com