#SOMALILAND: Xukuumadda Oo Bilawdayd Dib-U-Dhiska Jidka Wayn Ee U Dhaxeeya Gobollada Saaxil iyo Tog-Dheer

Burco (Hayaannews)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee uu gadhwadeenka ka hayay Madaxweyne Muusu Biixi Cabdi ayaa magaalada Burco si rasmi ah uga daahfurtay bilawga dhismaha iyo dayactir lagu samaynaayo jidka wayn ee u dhaxeeya gobollada Saaxil iyo Togdheer.

Hay’adda waddooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa magaalada Burco ka daah-furtay dib u dhiska iyo dayactirka jidka isku xidha gobollada Saaxil iyo Togdheer, gaar ahaan magaalooyinka Burco iyo magaalada Sheekh.

Daah-furka mashruucan waxa goob joog ka ahaa maareeyaha Hay’adda waddooyinka Jamhuuriyadda Somaliland Eng Mawliid Nuux Ibraahin, isaga oo si rasmi ah ugu wareejiyay mashruucan shirkadihii ku guuleystay fulintiisa, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Ixsaan iyo Hona Group.

Mashruucan oo laga hirgelinayo sanduuqa horumarinta Somaliland ayaa waxa fulinaysa Hay’adda waddooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana daahfurka mashruucaasi horumarineed goob joog ka ahaa masuuliyiinta degmooyinka Burco iyo Sheekh, Wasiirka wasaaradda horumarinta Biyaha Cali Maxamed Xasan (Mareexaan), Badhasaabka gobolka Togdheer iyo taliyayaasha ciidamada qaranka.

Maareeyaha Hay’adda waddooyinka Jamhuuriyadda Somaliland Eng Mawliid Nuux Ibraahin ayaa hadal ka jeediyay daahfurka mashruucaasi waxaanu yidhi “Maanta waxaanu hakan ku daahfuraynaa mashruuca dib u dhiska iyo dayactirka jidka weyn ee u dhexeeya degmooyinka Burco iyo Sheekh, iyada oo shirkada Hona Group ay ku guulaysatay dhismaha jidka halka Ixsaan-na ay ku guulaystay dhismaha biriijyada, waanan ugu ducaynayaa, anaga oo kula dardaarmayna in ay shaqadaas sideeda uga soo baxaan.”

Eng. Mawliid Nuux Ibraahin Maareeyaha Hay’adda waddooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa kale oo uu dardaarn u diray masuuliyiinta hay’addaha dawladda ee ay hawshani qusayso, waxaanu yidhi “Waxaan ka codsanayaa guddoomiyayaasha degmooyinkan iyo masuuliyiinta kale ee hay’addaha dawladda in ay shirkadaha dhisaya jidkan ay u fududeeyaan wixii hawl ah eek a soo gala ee la xidhiidha shaqadan.”

Maareeyaha Hay’adda waddooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu intaasi raaciyay “Waxaan ugu bushaaraynaa bulshada gobolada Bari, mashruucii aynu muddaba ka sugaynay Baanka horumarinta Afrika ee ahaa dhismaha jidka isku xidha Burco, Oodweyne iyo Hargeysa, kaas oo daraasadii la xayaysiiyay ay soo xidhantay iminkana la bilaabayo shoorti liiskii. Isla markaana mashruucaasi oo la dhagax-dhigay uu dhawaab ilaabmi doono”.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland Cali Maxamed Xasan (Marreexaan), ayaa isaguna hadal ka jeediyay munaasibadda daah-furka mashruucaasi, waxaanu yidhi “Mashruucii waa inoo bilawday waanu inoo furan yahay, ciddii ka shaqaysay iyo ciddii ka qayb qaadatayna waa mahad sanyihiin. Sidoo kale mashruucii labaad ee Burco, Oodweyne iyo Hargaysa isagana hore ayaa loo dhagax-dhigay iminkana daraasadiisii ayaa socda.

Waxqabadka xukuumadda Somaliland maalin ba maalinta ka dambaysa kor ayuu u socdaa nidaamkuna sare ayuu u socdaa, marba marka ka dambaysana kor ayuu u socdaa.”