SOMALILAND: Xukuumadda Oo Sharaxday Heshiiska Afar Geesoodka Ee Saami-qaybsiga Xadhigga Internet-ka Ee Fiber Optic-ga

“Heeshiiskani Somaliland waxa uu ka dhigi-doonaa xarun Internet-ka u qaybisa gobolka (Regional hub),…….waxaana laysku furi-doono wicitaanka telefoonada Shirkaddaha Isgaadhsiinta” Wasiir Cabdi-weli Sheekh Suufi Jibriil.

Hargeysa(Hayaannews): Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiwali Sheikh Suufi Jibriil, ayaa sharaxaad ka bixiyey heshiiska saami-qaybsiga xadhigga Internet-ka ee Fiber Optic.

Heshiiskan oo afar-geesood ah ayaa waxa kala saxeexday madaxda saddexda shirkadood ee Somcable, Telesom iyo SOMTEL oo uu weheliyo Wasiirka Isgaadhsiinta ee Somaliland,kaas oo ku qotoma sidii saamileydu u wada maal-gelin lahaayeen horumarinta Isgaadhsiinta, gaar ahaan dhinaca Internet-ka, ayaa waxa wasiirku ku tilmaamay mid kobcinaya tayada iyo habsami-wanaaga adeegyada tiknoolajiyada.

Heshiiskan ayaa qorshihiisu soo socday muddo, iyadoo ay xukuumaddu ka shaqaynaysay sidii uu u hirgeli lahaa.

“Waa u farxad Wasaaradda inuu dhameystirmay heshiis lagu wadaagi doono lahaanshiyaha iyo maamulka xadhigga Fiber Optic-ga, heshiiskaasoo ay wada gaadheen Wasaaradda isgaadhsiinta iyo saddexda shirkadood ee ugu weyn xagga isgaadhsiinta.Heshiiskaas oo nuxurkiisu yahay in xadhigga Fiber Optic-ga ee dhulka la hoos mariyo la mideeyo maal-gelintiisa, la wada maamulo, isla markaana la wada gaadhsiiyo gobolada dalka oo dhan. heshiiskani wuxuu koobsanayaa xadhigii hore ee dalka yaallay iyo qeybaha cusub ee gobolada la gaadhsiin doono, heshiiskuna maanta oo uu dhacay laga bilaabo waa dhaqan-gal”ayuu yidhi Wasiir Cabdi-weli Sheekh Suufi Jibriil.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Faa’idooyinka uu keeni doono waxa ka mida in la helo Internet xawaarihiisu aad u sareeyo, inuu kor u qaadi doono tayada adeegyada guud ee isgaadhsiinta, gaar ahaan Internet-ka, waxa kale oo uu Somaliland ka dhigi doonaa xarun Internet-ka u qabisa gobolka (Regional hub), waxa kale oo uu kor-u-qaadi doonaa tignoolajiyadda, Dhaqaalaha dalka oo aanu shacabka ugu baaqayno inay isticmaalka tignoolajiyada kobciyaan.

“Waxa kale oo kamida inay shirkadduhu u hogaansami doonaan shuruucda dawladda. waxa kale oo heshiiska kamida in laysu furi doono wicitaanka telefoonada Shirkaddaha Isgaadhsiinta”.Ayuu yidhi Wasiir Cabd-weli Sheekh Suufi Jibriil.

Md. Cabdiwali Suufi Jibriil,ayaa shaaciyay hannaanka uu ku dhisan yahay heshiiskani iyo wakhtiga uu dhaqan-gelayo “Heshiiskani waxa uu ku dhisan yahay inay dawladda iyo ganacsatadu wax wada maal-geliyaan (Public, private partnership), kana wada faa’idaystaan kaabeyaasha kala duwan ee lacagta faraha baddan ee lagu gelinayo, waxaanan aaminsanahay in heshiisyada noocaas ahi saameeyaan qaybo baddan oo kamida nolosha”ayuu yidhi.

Heshiiska saami-qaybsiga Xadhigga Internetka ee Fiber Optic oo markii hore kooto ugu xidhnaa shirkadda Somcable, ayaa shirkaduhu is-afgarad ka gaadheen kaddib sulux iyo isu-soo-dhawayn xukuumaddu ka dhex-samaysay, waxaanay la sheegay inay saddexda shirkadood ku heshiiyeen inay u qaybsadaan saami-qaybsi ah boqolkiiba 31.67 midkiiba halka xukuumadduna ay yeelanayso Saami ah boqolkiiba Shan.

Heshiiskan ayaa ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee laga gaadho ganacsiga Isgaadhsiinta dalka, waxaana dhaqan-galkiisu noqonayaa bilowga geedi cusub oo ay waajahayso Isgaadhsiinta dalku, iyadoo uu qayb ka yahay deddaalada Xukuumadda Somaliland, gaar ahaan wasaaradda ay khusayso.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

Hargeisa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com