#SOMALILAND:Xukuumadda Oo Ka Hadashay Qaraarkii Maxkamadda Sare Soo Saartay Iyo Safar Madaxweyne Biixi Uu Ku Tagayo Dalka Ethiopia

Hargeysa(Hayaananews) -Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Somaliland, Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa ka hadlay go’aanka ay Maxkamadda Sare soo saartay, isla markaana waxa uu ka hadlay u-jeeddada Safarka uu Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu maalinta beri oo ‘Salaasa” u uku tagayo dalka Ethiopia.

Sidaa waxa uu ku sheegay Wasiir Koore mar uu maanta la hadlayay qaar ka mida Warbaahinta Somaliland

Wasiir Koore, ayaa sheegay in xukuumada Somaliland ay dhankeeda si wayn usoo dhawaynayso xukunka maxkamadda sare, waxaanu yidhi “Waxaanu si buuxda oo milgo leh, usoo dhawaynaynaa qaraarka maxkamada dastuuriga ah, qodobkasta, xarafkasta iyo qaabkasta oo ay u dhigtay”.

Md. KOORE ayaa ka hadlay sida ay Xisbiyada Mucaaridku uga xanaaqeen furistii Ururada Siyaasadda, waxaanu yidhi”Is waydiintu waxay tahay kulaylkii hore iyo go’aankan sida dagan loo qaatay maxaa sababay?”.

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com