SOMALILND: Xukuumadda Bangi Cusub ka Hirgelinaysa Magaalada Caynabo

Hargeysa (Hayaannews) Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland Cali Ibraahim Cali Baqdaadi, Wasiirka Wasaarada Cadaalada Saleebaan Warsame Guuleed iyo Wasiirka Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha iyo Dastuurka Maxamed Xaaji Aadan ayaa dhagax dhigay Baan Cusub oo laga hirgalinayo Magaalada Caynabo.

Guddoomiyaha Baanka dhexe Cali Ibraahim Cali Baqdaadi oo hadal ka jeediyay dhagdhiga Baanka laga hirgalinayo Magaalada Caynabo ayaa waxa uu sheegay in ay ka go’an tahay in Baananka lagu fidiyo Gobalada dalka. Waxaana uu yidhi “Madaxweynaha Somaliland ayay ka timi in Baankan la dhiso.

Magaalada Caynaba way lahayd Bangi, laakiinse wuu yaryahay, dad baa yidhaahda maxaa Bangiyadda looga dhisi waayay Magaalooyinka waawayn, anagu fikrad ka gadisan taas ayaanu haysanaa oo ah in Gobalada lagu fidiyo Baananka, sababta oo ah waddanka wuu korayaa, Dhaqaalihiisuna wuu korayaa”.

Wasiirka Wasaarada Cadaalada Saleebaan Warsame Guuleed Guuleed oo hadal ka jeediyay munaasibadii dhagax-dhiga Bangiga cusub, ayaa soo dhaweeyay Tallaabdan waxaana uu yidhi “Waxa aan uga Mahadcelinayaa Guddoomiyaha Baanka dhexe oo muddadii uu xilka hayay werwarkii Sarifka ka joojiyay bulshada, waxaanan soo dhawaynaynaa Baanka halkan laga dhagax dhigay”.

Wasiirka Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha iyo Dastuuraka Maxamed Xaaji Aadan oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu ku ammaanay Guddoomiyaha Baanka dhexe sida uu wax uga qabtay Sarif bararkii ku iman jiray lacagta. Waxaana uu yidhi “Intii uu xilka qabtay Guddoomiyaha Baanka Cali Baqdaadi waxa uu fadhiisiyay Lacagtii waddanka, wax wayn ayayna ka tartay Dhaqaalaha dalkeena”.

Sidoo kale Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Cabdinaasir Cumar Jaamac oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu sheegay in Guddoomiyaha Baanka wax qabad muujiyay intii uu xilka hayay, waxaana uu yidhi “Waxa aan u mahadnaqayaa Guddoomiyaha Baanka oo halkan ka dhex dhigaya Baanka cusub ee laga hirgalinayo Magaalada Caynaba ee xarunta Gobalka Saraar, waxaana taariikhda ku gali doonta in Xukuumadihii ugu waxqabadka badnaa in aad tahay Guddoomiyihii Baanka dhexe Somaliland”.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

 

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com